U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendaha Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ka dhacay kulankooda 2aad, kalfadhiga 4aad.

Goobjoog News, waxaa ay akhrisyaasheeda u soo gudbineysaa ajendayaasha kulanka xoogga lagu saaray.

Ajendaha:

1-Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.

2-Dooda Xeer-hoosaadka golaha Shacabka oo qodob qodob ah.

3-Qeybinta Hindise sharciyeedyada yaala golaha shacabka oo kala ah:

4-Hindise sharciyeedka , Dhismaha Hay’adda dadka Naafada ah.

5-Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinsiga.

6-Hindise Sharciyeedka Wax ka bedelka Sharciga Hanti Dhowrka Guud ee Lr-kiisu yahay 34 ee soo baxay 14 bishii 4-aad ee sanadkii 1972.

7-Hindise Sharciyeedka Wax ka bedelka sharciga Lr 11 ee 5ta Dhish,2006 ee Shaqaalaha rayidka.

7-Warbixinta Xisaab xirka dowladda ee sanadka 2017.

Goobjoog News