U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendaha Kulanka Ugu Horreeya Ee Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddiga Joogtada ah ee  golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliym, kulanka guddiga ayaa  ka qabsoomay xarunta kumeel gaarka ah ee golaha shacabka.

Kulanka guddiga ayaa waxaa  shir guddominaayey guddomiyaha golaha shacabka  Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman oo ay hareer fadhiyeen labadiisa ku-xigeen.

Kulanka ayaa inta uu socaday waaxa looga hadlay Ajendiyaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka oo lagu wado inuu furmo  maalinimada barrito ah  oo taariikhdu tahay 10-6-2020-ka

Kulanka golaha shacabka ay yeelan doonaan barri ayaa lagu wadaa in looga doodo  sharci axsaabta oo mid ah sharciyada ugu ahmiyadda badan sida uu warbaahinta u sheegay habdhowraha golaha shacabka xildhibaan Nuux.

“Maanta waxaa uu ahaa furitaanka guiddiga joogtada ah oo looga hadlayey ajendaha koowaad ee uu ku furmi doono 7-aad ee golaha shacab, waxaa la isla gorfeeyey shuruuc badan oo yaallo  in loogu soo hor mariyo sharciga Asxaabta oo maalinta barri ay tahay in ay ka doodaan dib u eegisna lagu samaynaayo ” ayuu yiri habdhowre xildhibaan Nuux.

Goobjoog News