U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendaha Shir-madaxeedka Midowga Afrika

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Adis Ababa ka furmaya shir-madaxeedka 30-aad ee midowga Africa waxaana ka qeyb-galaya 55 dowladood, oo inta badan madaxdooda ay joogaan, shirkani oo labo maalin socon-doona ayaa waxaa hal-ku-dhig looga dhigay “Kaguuleysiga ladagaalanka musuq-maasuqa”.

Shir-madaxeedka IGAD: Madaxda IGAD oo shir-madaxeed gaar isugu yimid waxaa looga hadlay Koonfurta Suudaan iyo loolanka ka socda Soomaaliya.

Waxaa kale oo galabta la filayaa in Adis Ababa madaxda ay Afrika ku yeeshaan shir-madaxeedka golaha nabadda iyo amniga Africa, waxaana looga doodayaa argigixisada iyo xagjirnimada.

Waxaa lagu gorfeynayaa shir-madaxeedka Africa, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan 15 madaxweyne arrimo waaweyn waxaana ugu caansan xagjirnimada iyo argigixisada iyo sidii lagula dagaalami lahaa,waxaa kaloo looga doodayaa xasilooni la’aanta ka jirta Soomaaliya, Koofurta Suudaan iyo Liibiya.

Goobjoog News