U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendaha Shirka London

Sheeko:Dalka

Berri Oo Khamiis ah 11-ka May, waxaa lagu wadaa in London uu  ka dhaco shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaa shirka ka qeyb galaya madax ka socota bariga Afrika iyo aduunka, waa shirkii 2aad oo Soomaalida loogu qabto magaalada London 7 sano gudahood.

Hadaba Waa Maxay Ajendaha Shirka:

Nabad-galyada:

Shirka waxaa xoogga lagu saari doonaa in laga “Habdhiska Amniga Qaranka”  ee dhawaan madaxda Soomaalida ay Muqdisho ku gaareen iyada oo laga ambaqaadayo dhismaha ciidamada xoogga dalka iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada.

Arrimaha Siyaasadda:

Shirka waxaa Ajendayaashiisa ka mid ah in looga hadlo siyaasadda Soomaaliya iyo in dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha dowladda federaalka ah sida Federaalism-ka, Siyaasadda is dhexgal-ka iyo doorashada dalka ka dhici doonta 2020-ka ee qof iyo codka ah.

Dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay ka wada hadlaan dib u eegista dastuurka iyo arrimo kale.

Dhaqaalaha:

Shirka Ajendayaashiisa waxaa ka mid ah sidii beesha caalamka Soomaaliga uga taageri laheyd Soomaaliya dhaqaalaha, in Soomaalida ka faa’ideysato xoolaha iyo canshuuraha, waxaa  kale oo laga heshiin doonaa in dowladda, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka ka wada shaqeeyaan kororka dhaqaalaha Soomaaliya.

Arrimaha Banii’aadnimada:

Shirka Ajendayaashiisa waxaa ka mid ah sidii looga jawaabi lahaa abaraaha dalka ka jira arrintaas oo beesha caalamka laga sugayo in ay lacago halkaasi ku yahoobaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku dhibaateysan abaaraha dalka ku baahay.

 Heshiisyada Iskaashiga Cusub:

Shirka waxaa lagu soo saari doonaa heshiis badala New Dealka, waxaa loo bixiyay “ Heshiisyada iskaashiga cusub”, waana heshiis u dhaxeeya Soomaalida iyo beesha caalamka, kooxda dambe ayaa laga sugayaa in ay bixiyaan lacago lagu dhisayo hey’adaha dowladda iyo in Soomaaliya ay noqoto dal barwaaqo ah sanadka 2020-ka, waxaa heshiiskaasi  ku jira doorashada 2020-ka, dastuurta, hor-u-mar dhaqaale, la dagaalanka musuqa…..heshiiska beesha caalamka iyo Soomaalida ayaa la sheegayaa in isla xisaabtan adag lagu saleyn doono.

Shirar Maanta Dhacaya:

Maanta waxaa lagu wadaa in shirar gaar gaar ah dhacaan, tusaale ahaan waxaa laga hadli doonaa sida qurba joogta uga qeyb-qaadanayaan dhismaha dalka, dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Waxaa kale oo lagu wadaa in shirar kale dhacaan, oo madaxda qaar oo shirka jooga is arkaan.

Goobjoog News