U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendayaasha Looga Hadli Doono Shir Madaxeedka Midowga Afrika Ee Nouakchott

Sheeko:Caalamka

Xukuumadda Mauritania ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaasha 30 dal ee qaaradda Afrika ay sheegeen in ay ka qeyb-galayaan shir-madaxeedka qaaradda Afrika, kaasi oo lagu qabanayo 30-ka bishan June magaalada Nouakchott.

Afhayeen u hadlay xukuumadda oo lagu magacaabo Maxamed Amiin ayaa sheegay in madaxweynayaasha 30 dal ee Afrika ay tilmaameen inay ka soo qeyb-galayaan Shir-madaxeedka Afrika, kaasi oo lagu wado in lagu qabto caasimadda Nouakchott dhamaadka bishan.

Maxamed Amiin waxaa uu hoosta ka xariiqay in shir-madaxeedka lagu qaban doono daruufo wanaagsan iyada oo waqtigeeda uu xadidanyahay.

Shir-madaxeedka Nouakchott ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb-gali doona madax kala duwan oo ka imaanaya qaaradaha dunida oo uuna ka mid yahay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kaasi oo Marti sharaf ahaan uga soo qeyb-galaya shirka ay martigelineyso Nouakchott.

Shir-madaxeedka soo socda ajendayaasha ay ka midka yihiin xaaladda amni ee gobolka xeeba Afrika, xaaladda amni ee wadanka Afrikada dhexe iyo dadaalladii lagu soo celin lahaa deganaashaha dalkaasi.

Sidoo kale waxaa looga hadli doonaa Ajendaha ku saabsan socdaalka sharci darrada ah iyo la dagaalanka ururada wax Tahriibiya.

Goobjoog News