U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendeyaal uu Hakad Ugu Jiro Shirka Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Waxaa shalay hakad galay shirkii ka socday Villa Somalia ee u dhaxeeyey dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo ay joogaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor, Hisrshabelle Maxamed Waare, Koonfur galbeed Cabdicasis Laftagareen iyo Jubbaland Axmed Madoobe oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa la sheegayaa inuu ku jiro nasiino, iyada oo la isku mari la’yahay dhowr qodob.

Qodobbadaas Waxaa Ka Mid Ah:

Guddiga Doorashada: Qodobada ugu muhiimsan ee doodda ka taagantahay waxaa ka mid ah cidda qabaneysa doorashada 2020/2021.

Villa Somalia, oo garab ka heleysa beesha caalamka  ayaa ku adkeysaney in ay doorashada maamulaan guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka halka dowlad goboleedyada qaar ay soo jiidiyeen in la dhiso guddi gaar ah sida midkii 2016-kii.

Tirada Ergada: Qodobada kale ee la isku heysto waxaa ka mid ah tirada ay noqonayaan ergada doorashada. Dowladda federaalka oo ka duuleysa Dhuusamareeb 3 waxaa ay dooneysaa 301 ergo halka dowlad goboleedyada qaar ay soo jeediyeen 100-150 ergo.

Kaalinta Xisbiyada: Dowlad goboleedyada dhammaan waxaa ay qabaan in Soomaaliya aaney diyaar u aheyn doorasho lagu galo qaab xisbiyo ah, isla markaana qof walba uu iskiisa u tartamo.

Maamulka Lacagta: Dowlad goboleedyada qaar ayaa dood ka keenay cidda maamuleysa, iyaga oo doonaya in lacagtaas doorashada ay iyagu maamulaan.

Deegaan Doorashada: Waxaa kale oo jira inuu muran galay deegaan doorashooyinka, oo dowlad goboleedyada ay dood ka keeneen 4-ta deegaan doorasho oo ay dowladda federaalka ah rabto, iyaga oo doonaya in caasimadaha lagu koobo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u sheegay madaxda dowlad goboleedka in haddii sida ay rabaan loo yeelo ay ka dhigan tahay in lagu noqday 2016-kii, taasi oo la mid ah in dhammaantood ay fashilmeen, si taasi looga badbaado ay tahay in wax ka tagaan, waxna qaataan.

Goobjoog News