U bood dhigaalka

Muranka Doorashada: Mala Joogaa Xilligii Ay Gacan Kale Dhexdhexaadin Laheyd?

Sheeko:Amniga

Xilli todobaadkan lagu wado in qeybaha Soomaalida shir loogu qabto Afisyooni ayaa waxaa muuqato qodobbo badan oo ismariwaa ah oo qaarkood horay u jireen iyo qaar cusub oo hadda soo ifbaxay.

Qodobbada Horay u Jiray: 

Ismariwaaga siyaasadeed ee doorasho:  Shan bil heshiiskii September 17 kadib  iyo 35 cisho oo kasoo wareegtay muddo xileedka madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ismariwaa ka jiraa doorashada taas oo keentay in loo baahdo faragelinta beesha caalamka iyo iney gogol dhigto

Hey’adaha la doorto ee dowladda oo uu ka dhamaaday xilligii dastuuriga ahaa: Baarlamaanka federaalka waxaa uu muddo xileedkiisu dhammaaday December 17, 2020 halka madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu ku ekaa February 8, 2021, sidaasi ay tahay lama diyaarin ciddii badali aleyd hey’adahaasi, oo waxaa iska wataan shaqadooda, taasi oo muran dhalisay.

Hirgelinta heshiika September 17 oo Fashilmay:  Heshiiskaas ayaa dhigayey in la magacaabo saddex guddi oo doorasho oo ay ku jiraan labada heer dowladda iyi midka khilaafaadka, in xildhibaanka doortaan ergo 101 ah, in maamul kasta uu labo magaalo doorasho ku qabto iyo qorshe doorasho oo fulintiisu bilaaban laheyd November.Heshiiska waxaa uu fashilmay kadib markii maamul Farmaajo uu magacaabay guddi doorasho oo askar iyo shaqaale dowlad u badan.

Fashilka Dhuusamareeb 4: Fadhi ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyadu ku lahaayeen caasimadda Galmudug ayaa burburay February 6. Shirkan oo loo yaqaanay Dhuusamareeb 4 waxaa uu burburay kadib markii uu madaxweynihii xilligaas Farmaajo uu Gedo uga tanaasuli waayey maamulka Jubbaland, qodobada kale ee la iskumari waayey waxaa ka mid ahaa guddiyada lagu muransan yahay ee doorashada iyo xulista matalayaasha Somaliland.

Haddaba, shirka todobaadkan lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho, lagama bilaabi doono halkii lagu kala tagay Dhuusamareeb 4 ee ahaa: Gedo, guddiyo doorasho iyo Somaliland ee maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo xataa midowga musharaxiinta waxaa ay wataan qodobbo kale oo cusub waxaana ka mid ah:

1. In Farmaajo uu Wareejiyo Awoodaha: Arrinta ugu muhiimsan ee miiska saaran, waa in uu Farmaajo ku saxiixo teendhada Afisyooni in aanu isticmaali karin awoodaha dastuuriga, ee uu yahay madaxweyne hore, musharax ah, sidaasina waxaa horay u sameeyey Xasan Sheekh.

2. Muranka ku aadan shir guddoominta: Waxaa qodobbada miiska saaran ka mid ah shir guddoominta shirka Afisyooni iyada oo Puntland, Jubbaland iyo musharaxiinta ay ku doodayaan in Farmaajo laga wareejiyo shir guddoominta mar haddii uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

3. In Musharaxiinta Ka Qeybgalaan: Waxaa miiska saaran in saamileyda siyaasadda ay shirka tagaan, gaar ahaan musharaxiinta madaxweynaha.

4. Xil ka qaadista Taliyeyaasha: Waxaa miiska saaran in xilka laga qaadayo taliyeyaasha ku lug lahaa weerarkii February 19 iyo kuwa laga shakinsan yahay inuu maamulka Farmaajo adeegsan karo xilliga doorashada.

5. In Amniga Doorashada Lagu Wareejiyo Booliiskii hore: Puntland, Jubbaland iyo midowga musharaxiinta waxaa ay qabaan in amniga doorashada laga reebo Haramcad, oo lagu kobo booliiskii hore iyo AMISOM.

6. Baarista Dhacdadii February 19: Waxaa kale oo qodobada ka mid ah in la baaro rasaaseyntii February 19 oo ka dhan aheyd midowga musharaxiinta.

7. Dhismaha Gole Xilliga Kala-guurka: Waxaa miiska wada hadalka ee Afisyooni saaran in la magacaabo gole oo ay ku jiraan guddoonka baarlamaanka, xukuumadda iyo maamulka goboleedyada si ay mas’uul uga ahaadaan marxaladda kala guurka.

8. Dhanka kale, Bulshada Rayidka ayaa beesha caalamka oo ah cidda martigelineyso ka dalbatay ka qeyb shirka Afisyooni, si ay korjoogto uga noqdaan, arrintan ayaa timid kadib fashil ay kala kulmeen dhexdhexaadinta.

9. Mowqifka Dowladda: Dowladda federaalka ah ayaa muuqato mid ku adkeysaneyso in Afisyooni lagu saxiixo heshiiskii guddiyada farsamo ee Baydhabo February 16, inuu shir guddoon sii ahaado, inuu doorashada maamulo iyo in aan laga qaadin awoodihiisa dastuuriga ah.

10. Mowqifka Beesha Caalamka: Beesha caalamka oo gogosha dhigtay shirkan Afisyooni waxa ay mar walbo ku celisaa in aan la qaban doorasho hal dhinac, isbarbar socda ama in laga fogaado qalalaaso.

Haddaba,  sida muuqato xalku waa mid adag, xaaladduna waa mid gacanta ka baxday, waxaase rajo weyn laga qabaa sida beesha caalamka ay kaalin hoggaamineed uga qaadan karto guuleysiga shirka, una cadaadin karto qeybaha Soomaalida.

Goobjoog News