U bood dhigaalka

Akhriso: Bangiga Hormarinta Afrika Oo Ka Cafiyay Soomaaliya Deyntii Uu Ku Lahaa

Sheeko:Dalka

Bangiga hormarinta Afrika (AFDB) ayaa 122.55 Milyan oo doolar oo aheyd deyn uu  kulahaa Soomaaliya ka saamaxay, kadib markii ay lacagtaas bixiyeen Boqortooyada Ingriiska iyo wadamada ku bahoobay Midowaga Yurub, sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed kasoo baxay Bangiga Afirka oo lagu sheegay inay astaan u atahy dhamaadka cunaqabateynta iyo bilaabashada  wadashaqeynta Bangiga Hormarinta Afrika iyo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dadaal dheer ka dib Bangiga horumarinta Afrika uu cafiyey deyntii Soomaaliya uu ku lahaa, waxa uuna yiri “Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray”

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in warbixinta soo baxday ay muujinayso isbadalka Soomaaliya ay ka sameysay hannaanka maamulka iyo maaliyadda dalka, waxa uuna yiri “Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka”

Wasiir Beyle ayaa xusay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii wado dadaalka ay ugu jirto isbadalka horumarineed ee dhanka Maaliyadda dalka.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa aan u mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir beyle.

Akinwumi Adesina, Madaxweyne Bangiga Hormarinta Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda taariikhdaan leedahay, waxaana uu muujiyey sida ugu faraxsanyahay doorka hogaaminta ee uu qaatay Bangiga Hormarinta Afrika si deynta looga cafiyo Soomaaliya, taas oo ku tilmaamy mid ka turjumeysa awoodda iskaashiga iyo wadashqeynta joogtada ah.

“Waxaan amaanayaa dadaalada dowladda Soomaliya ee dib u habeynta, dowladda Ingriiska iyo dowladaha Midowaga Yurub ee bixiyey Deyntii Bangiga Hormarinta Afrika kulahaa Soomaaliya,intaas oo wadajirah, waxay sidaas u sameenayeen waa dadka Soomaaliyeed dartood” sidaas waxaa yiri Akinwumi.

Horey hey’adda IMF waxa ay sheegtay in dadaal dheer ku bixinayso sidii Soomaaliya dhamaan looga cafin lahaa deymaha uu caalamku ku leeyahay.

Goobjoog News