U bood dhigaalka

Akhriso: Bayaanka Dacwo Ka Dhan Laanta Fulinta oo Himilo u Gudbisay Maxkamadda Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Xisbiga Himilo ayaa maanta waxaa uu dacwad ka dhan ka ah laanta fulinta u gudbiyey maxkamadda sare ee JF ee Soomaaliya.

Bayaan Saxaafadda lala wadaagay ayaa lagu bilaabay”Sida aad la socotaan 22-kii September 2019-ka, wafdi ka tirsan xibiga Himilo Qaran oo uu hoggaaminayey madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, xildhibaanno uu ka mid yahay guddoomiyaha xisbiga Saleebaan Maxamuud Xaashi iyo xubno kale oo ka tirsan mas’uuliyiinta xisbiga ayaa is hor istaag aan sharciga waafaqsaneyn lagu sameeyey diyaarad ay u raaci lahaayeen magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa bayaanka xisbiya Himilo ka soo baxay ku xusnaa “Haddaba iyada oo la duulayo ilaalinta karaamada uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed, dhowrista shareynta sharciga dalkeenna u yaalla, xurmada ay mudan yihiin madaxdii dalkan xilliyo adag soo hogaamisay, waxaa xisbiga Himilo qaran go’aansaday inuu sharciga la tiigsado laanta fulinta ee bixisay markii is hor istaagga ahaa ee lagu sameeyey wafdigii madaxweyne Shariikh Sheekh Axmed oo safar shaqo ugu socday caasimadda KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland ee Kismaayo arrintaan oo aan u aragno ku tumasho sharuucda dalkeenna u yaalla gaar ahaan qodobada hoos ku xusan:

Qodobka 10aad oo ka hadalaya karaamada aadanaha, qodobka 21aad ee xuriyadda isu socodka, 33 go’aannada maamulka, 70aad oo ka hadalaya xasaanada xildhibaan.

Ugu dambeyntii, Himilo waxaa ay codsatay in xisbiga helo cadaalad

Goobjoog News