U bood dhigaalka

Akhriso: Bayaanka “Dhahraan” Ee Ka Soo Baxay Shirka Jaamacadda Carabta

Sheeko:Dalka

Shir madaxeedka Jaamacadda carabta ee 29aad oo ka dhacay Dhahraan ayaa la soo saaray “Bayaanka Dhahraan”.

Inkasta oo shirkan uu ahaa mid tayo ahaan liita, isla markaana aan lagu soo qaadan qadiyado carabta muhiim u ahaa sida xiisadda Khaliijka, duqeynta Mareykanka ee Suuriya, faragelinta Imaaraadka ee Soomaaliya iyo arrimo kale ayaa hadana laga soo saaray 29 qodob.

Haddaba Halkan Ka Akhris, Qodobadda Oo Lasoo Koobay:

Falastiin: Madaxda Carabta waxaa ay caddeeyeen in Qudusta bari ay carab leedahay isla markaana caasimad u tahay Falastiiniyiinta, waxaa ay  soo jeediyay in hannaanka nabadda bariga dhexe loo maro go’aannadii ka soo baxay shirkii Beyrut 2002-dii iyaga oo sharci-darro ku tilmaamay aqoonsiga Mareykanka uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Isra’il, waxaa ay cambaareeyeen dhul barraalsiga Isra’il iyaga oo sheegay in ay qabaan xalka ah labo dowlad oo daris ah oo weliba ku wada nool xadkii jiray 1967dii.

Sacuudiga: Shirka waxaa uu cambaareeyay gardarro la sheegay in Xuutiyiinta ku hayaan Sacuudiga kuwaas oo sawaariikh ku garaacay meelo u dhow Maka iyo Riyadh, Sacuudiga iyo Baxreyn ayaa lagu taageeray go’aan walbo oo ay ku difaacayaan dhulkooda, waxaana xulufada carabta ee dagaalka ka waddo Yemen lagula taliyay in ay howlaha gargaarka u furaan Madhaarka Sanca iyo dekadda Xudeyda.

Dhanka Suuriya, waxa la dhiirigeliyay in xal laga gaaro dhibaatada jirta, lana ilaaliyo midnimada dadka iyo dhulka Suuriya, iyada oo laga amba-qaadayo heshiiskii Jeneva 1 iyo qaraarkii golaha ammaanka 2254 ee 2015-kii.  Waxaa kale oo ay dhaleeceeyeen adeegsiga maamulka Suuriya ee hubka Kiimikada iyaga oo beesha caalamka ka codsaday in la garab istaago shacabka Suuriya.

Ciraaq waxaa ay sheegeen in ay muhiim tahay in la ixtiraamo qarannimada, amniga iyo madaxbannaanida dalkaasi laguna taageero cirib tirka argigixisada iyo in ciidamada Ciraaq lagu garab siiyo sidii ay u xureyn lahaayeen meelaha weli ku harsan gacanta cadawga.

Libya: Waxaa la isla gartay in la taageero hey’adaha sharciga ah iyo in la sii wado wada hadalka 4 geesoodka ah ee ay martigelisay jaamacadda carabta oo ay ku jiraan midowga Yurub, midowga Afrika iyo Qaramada midoobey, waxaa kale oo la iska gartay in Libya laga taageero la dagaalanka argigixisada iyo in dalka oo dhan laga dabar-gooyo haraadiga macangaga ah.

Shirka waxaa uu muhiim u arkeyn in lala dagaalo fikirka argigixisada, isla markaana xididada loo siiyo kooxaha maalgeliya, in laga hortago ka faa’ideysiga argigisada ee Teknolojiyadda gaar ahaan baraha bulshada, waxaana lagu taliyay in laga hortago qaabka kooxaha argigixisada u xumeeyaan magaca Islaamka.

Imaaraadka waxaa la sheegay in uu xaq u leeyahay qarannimada jasiiradaha 3da ah ee Iran ka heysato, waxaana lagu taliyay in xal iyo wada hadal loo maro arrinka.

Suudaan, waxaa la sheegay in lagu taageerayo ilaalinta qarannimadeeda iyo dadaallada horumarinta ee dhanka nabadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Soomaaliya, waxaa ay sheegeen in ay ka taageeraan sidii amni iyo xasilooni u hirgelin lahaayeen, isla markaana ula dagaalami laahaayeen argigixisada, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo sida loo wajihi karo caqabadaha dhaqaale iyo midda horumar.

Comoros  waxaa lagu dhiirligeliyay in ay sii wadaan wada hadalka iyo sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen dal ahaan kuwa ka faa’ideysta aragtida 2030.

Goobjoog News