U bood dhigaalka

Akhriso: Caqabadaha Ku Gadaamman Xisbiyada ee Sharciga Doorashooyinka 2020

Sheeko:War

Xisbiyada curdunka ah ee dalka ka billowday waxaa saaran culeysyo fara badan oo dhan kasta ah, marka laga eego qibrad-yarida nidaamka axsaabta ee guud ahaan dalka kajirta, caqabadaha xilligan ay dareemayaan xisbiyada waxaa ugu horreeya buuxinta shuruudaha sidii ay ku noqon lahaayeen xisbiyo qaran, sida diiwaan-galinta 10,000 qof oo taageerayaasha xisbi walba ah iyo xafiisyo in ay kuleeyihiin 9 gobol oo kamid ah 18-ka gobol ee dalku leeyahay iyo $1,000 (kun doolar) oo ah  qidmadda diiwaangalinta xisbiga, waxaa shuruudahan kasii dhib badan shuruudaha kaqayb-galka doorashada ay ugu weyn tahay isu-dheelitirka liiska musharaxiinta beelaha iyo tirada musharaxiinta ee gaaraysa 275 musharax iyo 275 kuxigeenka, musharaxiinta marka loo baahdo in la buuxiyo kursi xubinta musharaxa baneeyo sabab kasta haku timaado’e.

Waxaa ugu adag caqabadaha xisbiyada kala kulmayaan isu-dheelitirka liiska musharaxiinta iyo qoondada dumarka, keenista musharaxiinta 275-ka ah ee ka qaybgaleysa tartanka doorashada iyo 275-ka kursi-buuxiye, musharaxiinta helistooda ay adag tahay waxaa ugu horreeya musharaxiinta kasoo jeedda Somaliland, waxaa ka mid ah dadka kasoo jeeda deegaannada somaliland ayaa ah tirada ugu yar ee kunool goobaha ay maamusho dowladda FS, tusaale ahaan  haddii ay dhacdo in 5 xisbi oo kaliya xaq uyeeshaan ka qaybgalka doorashada 2020-ka, waxaa xisbi walba laga doonayaa inuu la yimaado 61  musharax oo reer Somaliland ah iyo 61 Kursi-buuxiye iyo 11 Senator 11 Kursi-buuxiye, tirada guudna waxaa ay noqoneysaa, 61+61+11+11= 144 musharax oo  Somaliland ah ayaa laga doonayaa xisbi walba, guud ahaan 5-ta xisbi waxaa laga doonayaa 720 = (5×144) Musharax oo ka soo jeedda deegaannada Somaliland.

Mushkiladda kale ee Xisbiyada lakulmayaan waxaa kamid ah sida musharaxiinta loogu tixayo liiska 275-ka musharax ee ka kooban 30 xirmo, isla markaana halki xirmo ay noqonayso 9 qof kuna salaysan 4.5, sharcigan wuxuu xisbiyada farayaa isu-dheelitirka beelaha oo  macnaheedu tahay isdhexgelinta beelaha ee liiska musharaxiinta sagaalleyda ah, tusaale ahaan  (2 Darod, 2, Dir/isaq, 2 Hawiye, 2 Digil/Mirifle iyo 1, Beelaha Kale) tusaale haddii beesha XY 2 xubin kuleedahay baarlamaanka hadda jira, liiska sagaalleyda ah ee  ugu horreeya, waxay ku leedahay 1 xubin, liiska kuxiga waxaa kasoo galaya xubin katimid beelaha kale ee kamidka ah beelweynta ay ka wada tirsan yihiin ee (Beesha shanaad).

Liiska xubnaha musharaxiinta waxaa asal unoqonaya isu-dheelitirka beelaha si ay u helaan fursad isku mid ah beelaha, haddii 2 xisbi iskumid kanoqdaan liiska beelaha musharaxiinta, mudnaanta xulista iyo ansixinta musharaxiinta xisbiyada soo guuleystay waxaa lasiinayaa xisbiga ugu codadka badan tartanka doorashada, xisbiga kuxiga ayaa loo samaynayaa xulista iyo ansixinta musharaxiintiisa wuxuuna soo buuxin doonaa kuraasta beelaha kale ee aanan kahelin xubintooda ee liiska xisbiga isaga kahoreeyay, xisbiga kusiixiga ayaa sii buuxin doona beelaha kale ee ku qaday ama aan metelaad ku helin labada liis ee ka horreysay illaa beel walba ay ka hesho xubinteeda liisaska xisbiyada.

Caqabadaha Xisbiyada wajahayaan waxaa kamid ah qancinta musharaxiinta sida loogu kala horreysiinayo liiska, musharaxa fursadda 1,aad lasiin doono iyo musharaxa lagu qorayo liiska xubinta 275,aad ee musharaxiinta xisbiga usharaxan, xisbiyada kama fursan doonaan in ay isku khilaafan talada iyo qofka go,aaminaya sida musharaxiinta ugu kala horreynayaan liiska xisbiga, waxaa kaloo xisbiyada usii dheer in musharax walba laga doonayo $2,000 (Laba kun doolar) oo macnaheedu tahay

275 x $2,000  = $550,000, (shan boqol iyo konton kun oo doolar) in ay kusoo shubaan sanduuqa lacagta ee guddiga doorashooyinka qaranka, lacagtani waxaa ay tahay qidmadda diiwaan galinta musharaxiinta sida ku qoran qodobka 24,aad faqradiisa 4,aad.

Caqabadaha liiska musharaxiinta iyo Qarashaka aadka ubadan waxaa xisbiyada looga yareyn karaa, marka liiska musharaxiinta 275-ka xunbood ah umadax banaan yihiin xisbiyada, tirada musharaxiinta ay doonaan usoo sharaxdaan ugu yaraan 27 musharax iyo ugu badnaan 275 musharax.

W/Q: Cabdiraxim Dhagey,

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.

Wixii fikrado ah ku soo hagaaji: [email protected]

Mawduucyada:Hiigsiga 2020