U bood dhigaalka

Akhriso: Clinton iyo Trump Oo Doodda Ku Dhameystay Is  Eedeyn

Sheeko:Caalamka

Waxaa dooddii labaad ay xalay Washinton University ku dhexmartay labada murashax ee dalka Mareykanka Hillary Clinton and Dollanad Trump, oo kala matalayey labada xisbi Dimoqoraadiga iyo Jamhuuriga.

Si ka duwan dooddii hore, labada murashax isma qacan-qaadin marka ay hoolka soo galeen, waxaa kaloo muuqatay in ay badneed is –eedeynta.

Hillary Clinton:

Hillary Clinton ayaa weerar afka ku qaaday ninka Jamhuuriga ee Dollanad Trump iyadoo ka hadashay arrimo badan

Haweenka: Waxaa ay ka hadashay codkii jimcihii la helay ee haweenka uu uga hadlay iyadoo sheegtay in jaladaas ka tarjumeyso xaqiiqda Dollanad Trump, markii arrintaas la weydiiyay waxaa uu ka hadlay ISIS.

Dagaallada: Clinton waxaa ay Dollanad Trump ku eedeeyay, ra’yigiisa dagaalka Ciraaq, in uu Ruush-ka saxiib la yahay, lagana yaabo in uu xiriir ganacsi la leeyahay, iyadoo sheegtay in Trump aanu wax badan kala socon siyaasadda arrimaha dibadda.

Raalli-Gelin: Hillary Clinton ayaa sheegtay in Dollanad Trump  looga fadhiyo in uu raalligeliyo qoyskii reer Khan, Garyaqaan uu ku sheegay Mexikaan,  ninkii Saxafiga ee cuuriyaanka ahaa oo ku shactireystay, madaxweyne Obama uu dhalashiisa inkiray.

Cashuuraha: Clinton waxaa ay ka faa’ideysatay fadeexadda cashuuraha ee New York Times ay daabacday, isagoo qirtay in aanu bixin lacag cashuuraha ah, arrintaas oo si weyn uga faa’idesatay.

Siyaasadda Arrimaha dibadda: Hillary Clinton waxaa ay ku eedeysay Dollanad Trump in aanu aqoon u laheyn siyaasadda arrimaha dibadda, waxaa kaloo ay ku eedeysay in uu mar walbo ka hadlo arrimo shakhsi ah, iyadoo isku ammaantay in ay leedahay khibrad ka badan 30 sano.

Ammaan: waxaa ay ku ammaantay Dollanad Trump   in caruurtiisa si fiican u koriyay, taasina ay mudan tahay in lagu ammaano.

Dollanad Trump:

Dhinaca kale Dollanad Trump ayaa dhankiisa weerar afka ku qaaday gabadha ay soo sharaxdeen dimoqoraadiga ee Hillary Clinton.

Emaillada: Dollanad Trump waxaa uu xoogga saaray in uu dambi ka dhigo Emaillada gaar ah oo ay isticmaashay xiligii ay wasiirka arrimaha dibadda aheyd, waxaa uu sidoo kale ku hanjabay in uu xiri doono haddii uu madaxweyne noqdo.

Bill Clinton: Waxaa uu Dollanad Trump xoogga saaray in ka hadlo fadeexaddii madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton isagoo sheegay in ilaa 4 haween oo hoolka jooga uu fara xumeeyay isagoo sidoo kale ka hadlay in Hillary ay haweenkaas iyadana ay six un ula dhaqantay.

Naceyb: Trump waxaa uu Hillary ku eedeeyay in qalbigeeda uu naceb ka buuxa, taageerayaashiisana ay caysay.

Obama iyo Hillary: Dollanad Trump waxaa wasiirkii hore arrimaha dibadda ku eedeeyay in iyada aaney heyn siyaasado balse ay ku shaqeyn doonto siyaasadaha Obama, arrintaasina ay Mareykanka u dul-qaadan doonin 4 sano oo kale in ay siyaasadahaas u dul-qaataan.

Musil iyo Xalab: waxaa uu maamulka Obama ku eedeeyay in ay ISIS u sheegeen xilliga ay weerarayaan Musil iyo meelo kale, isagoo ka hadlay in Xalab ay ka jirto dhibaato banii’aadamnimo.

Cashuuraha: markii su’aal laga weydiiyay cashuuraha, waxaa uu sheegay in keligiis aanu cashuuraha bixin weyn oo ay jiraan dad badan  oo saxiib la ah Hillary oo aan cashuuraha bixin.

Ammaan: Trump waxaa Clinton ku ammaanay in ay tahay dagaal-yahan iyo ma quuste, arrintaas oo uu Trump u arko wax fiican.

Dooddda ayaa sidoo kale laga hadlay caafimaadka, ammaanka iyo arrimo kale.

Goobjoog News