U bood dhigaalka

Akhriso: Dabeysha Luban Oo Ku Soo fool Leh Xeebaha Waqooyi Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

NASA iyo hey’ado kale oo caalami ah ayaa ka digaya dabeysha Luban oo maalmihii la soo dhaafay ka jirtay Gacanka Carabta.

Dabeysha Luban  ayaa la filayaa in axadda oo berri ah(October 14, 2018) ay soo aado waqooyiga jasiiradda Socotra, waa dhulka xeebaha Soomaaliya.

Dabeyshan ayaa laga yaabaa in 48 saacadood gudahood at ku dhufato dhamaan dhulka ku teedsan Gacanka Cadan oo ay ka mid yihiin Gobolada Waqooyi iyo kuwa Bari oo ah qeybo ka mid ah (Somaliland iyo Puntland ) .

Dabyasha Luban waa middii 3aad ee muddo sanad gudahiisa ah ku dhufata jasiiradda carabta iyo xeebaha waqooyi ee Soomaaliya.

Dabyashan ayaa la sheegayaa in meelaha qaar ay ku socoto 140 km/h, waxaana lagu wargeliyey dadka inay ka digtoonaadaan.

 Bishii May ee sanadkan waxaa xeebaha waqooyi ee Soomaaliya ku dhufatay dalbeysha Sagar, boqoraal ayaa ku dhimatay, waxaana ku khasaaray hanti badan.

Goobjoog News