U bood dhigaalka

Akhriso: Dhibaatada Caafimaad Oo Ay Leedahay Tubaakada

Sheeko:Caafimaadka

Tubaakadu waa nooc ka mid ah maan dooriyaha kuwooda ugu qatarta badan Sida ay Sheegeen Saynas-yahannada Caafimaadka wax-yeellana u geysata caafimaadka qofka taas oo dhinaca kalana isticmaalah kala dagaalanta dhaqaalaha,Caafimaadka iyo Quruxda ilkaha.

Dunida oo dhan waxa ay isku raacsantahay qatarta Tubaakadu u leedahay dadka Cuna iyo kuwa lagu ag isticmaallo sidaas oo ay tahayna weli waxaa tubaakadda laga isticmaalaa meelo badan oo caalamka ka mid ah waxaana ugu badan dalalka dunidda saddexaad.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka tubaakada sida xad dhaafka ah ah looga isticmaalo nuucyadeeda kala duwan,mana jirto dadaal muuqda oo wax looga qabanayo beerista, iibinta iyo isticmaalkeeda.

Iyadoo culeyska iyo qatarta tubaakadda ay meelkasta oo dunida ka mid ah taallo ayaa haddana sanad kasta waxaa loo Asteeyaa maalin gaar ah oo lagu Muujiyo Qatarta Dunida ayku leedahay, waxaana dadka laga wacyi galiyaa in ay ka fogaadan nuucyada tubaakada oo isugu jirta Cabid, Saarashada afka iyo qeyba kale sida in Sanka laga dhuuqo.

Nuur Hantiile oo horay u isticmaali jiray maan dooriyaha Tubaakadu ayku jirto haddase aan isticmaalin muddo dheer ayaa ka sheekeynaya Farqiga u dhexeeya Xilligii uu cuni Jiray tobaakadda iyo Waqtigan waxaa uuna yiri.

“ Aniga oo aan aqoonin dhibaatada ay leedahay Tobaakadu ayuu aabahay dhihi jiray iska ilaaliya Tobaakada, ka dib waxaan bilaabay in aan cuno Tobaakada, ka dib waxaan ogaaday waxa aan ku dhexjiro in aysan aheyn wax wanaagsan, xitaa cunisteeda haddaad dadka kala dhuumto adoo urayo ayaad imaanee”.

Tubaakada shaqsiga isticmaala waxa ay ka dhigtaa in uu noqdo calooshiis u shaqesyte ka fekera oo keliya halka uu ka heli karo Tubaakada iyo sida uu ku heli karo maadaama uu qabatimooday isticmaalkeeda aawadeed.

Cabdullaahi Muuse Axmed waxa uu hoggaamiyaa urur aan dowli aheyn oo ka shaqeeya ladagaalanka Muqaadaraadka.

“ Tobaakada saameynteeda waa mid aad iyo aad u ballaaran waxaa la sheegaa in sanad walba ay u geeriyoodaan cudurro ka yimid Tubaakada”.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in aysan waxba ka qaban la dagaalanka Muqaadaraadka oo lagu iibiyo suuqyadda ugu waaweyn Wadanka, waxaana wasaaraddaha  eedeynta ay ku dhaceyso ka mid ah wasaaradada caafimaadka, Dr Maxamd Cusmaan Maxamed oo ka tirsan wasaaradda ayaan weydiinay Waxa loo xakameyn la’yahay isticmaalka Maan dooriyaha Tubakadda.

“Wasaaradda caafimaadka waxay u xil saarantahay ilaalinta caafimaadka waddanka oo dhan, waxaa jira heshiis aduunka oo dhan ay wada saxiixaan Soomaaliyana waxaa ay ka mid tahay dowlado faro ku tiris ah oo aan saxiixin heshiiskaas”.

Si looga fogaado qatarta Tubaakadu waxa ay u baahan tahay shaqo iyo wacyigelin aad u ballaaraan taasoo lagu wajahayo dhaLlinyadaradda maalin kasta ku soo biiriyeysa balwadaan dilaaga ah.

W/D: Cali Aadan Muumin

Goobjoog News