U bood dhigaalka

Akhriso: Dhibaatooyin Baaxadweyn oo Haysta Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Qoraal ka soo baxay guddiga adeegga difaaca diyaaradaha Soomaaliya, oo shalay loo qeybiyey golaha shacabka  ee baarlamaanka federaalka ah ayaa la soo gaarsiiyey Goobjoog News.

Qoraalkan waxaa ku jira cabasho ay shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ka qabaan sida dowladda federaalka ah ay shirkadaha ajnabiga ah u siiso xuquuq aaney helin kuwa dalka, khatar ka jirta dhanka  ICAO-IATA (ICH ) oo  lagayaabo in ay galiso  diyaaradaha Soomaaliya liis looga mamnuucayo duulimaadyada sababo la xiriira deymo ka badan $20m , Shirkadda Favori oo dowladda u xilsaartay uruuriyaan diyaaradaha lacagihii khidmadda duulista hawada iyo weliba diyaaraha Soomaalida oo qarka u saaran iney hawada ka baxaan.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Cabashada Guddiga Adeegga Difaaca Diyaaradaha Soomaaliya:

Diyaaradaha shirkadaha Soomaaliya oo qaarkood ay u adeegayeen umadda soomaaliyeed 30 sano muddo ku dhow tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991dii, ayaa haatan qarka u saran in ay hawada ka baxaan, sababtuna ay tahay xukuumadda Soomaaliya , gaar ahaan wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka oo halkay ka ilaalin lahayd xuquuqda shirkadaha Soomaalida u fasaxday shirkado ajnabi ah in ay dalka soomaaliya dhammaantiis ay meeshay doonaan ka shaqaystaan.

Tusaale ahaan, diyaaradda Itoobiya Airline ayaa wasaaradda gaadiidku u ogolaatay in ay sameyso shan duulimaad maalintii, iyadoo aysan jirin wax diyaarada oo soomaalidu leedahay oo loo fasaxay in ay ka shaqaystaan deegaan ka mida dalka itoobiya. Majiro sharci u ogolaanayaa diyaaradda Itoobiya in duulimaad sidaan oo kale ah ay ku samayso Soomaaliya. Waxaa jira oo kaliya heshiis dhexmaray dowladdii Soomaaliya iyo Itoobiya 1988 oo dhigayaa labada dal diyaaradahoodu is dhaafsadaan duulimaadyo isu dhigma. Heshiis aan caddayn oo suuq madow ah ayaa arrintaan salka ku haysaa.

Dhibaatada kale ee haysata shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya ayaa waxay tahay, in hay’adda caalamiga ah ee arrimaha duulimaadyada qaabilsan ICAO-IATA (ICH ) lagayaabo in ay galiso  diyaaradaha Soomaaliya liis looga mamnuucayo duulimaadyada , kaddib markii ay sheegtay in ayna bixin lacagihii IATA ay khidmad ahaan ugu lahayd ee duulimaadyada hawada, iyadoo diyaaraduhuna ay caddeeeyeen in ay bixiyeen lacagahaas oo ay ka qaadday shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha ee Mugadishu Favori.

Shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga, waxay iyaduna dhankeeda xaqiijisay in wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ay u xilsaartay in ay ka uruuriyaan diyaaradaha lacagihii khidmadda duulista hawada.

Haatan dhibka ugu weyn ee taagan ayaa ah, in IATA iyo FAVORI ay leedahay mid walba Wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa noo fasaxday in aan qaadno lacagaha duulimaadyada.

Waxaa IATA haatan ka dooneysaa oo ay ku soo dallacday shirkadaha Soomaalida lacag kor u dhaafeysa 20 milyan, oo dollar, uruurtayna muddo lix sano ah.

Arrimaha kale ee xusidda mudan ayaa waxaa ka mid ah, in Garoonka diyaaradaha Mugadishu, uu aad u dayacanyahay, shirkadda FAVORI oo maamushana aysan in muddo ah ka qaban shaqo micno leh. Tusaale ahaan, markii lafuray Terminalka cusub 2013ka, duulimaadyada diyaaradaha isticmaalayey waxay gaarayeen 3000 oo duulimaad sanadkii, haatan waxay duulimaadyada garoonku gaarayaan 30000 kun oo duulimaad sanadkii. Waxaa dhacda in diyaaradaha degaya iyo kuwa duulaya ay in ka badan 40 daqiiqo sugaan. Waddada ay ku duulaan diyaaraduhuna madayactirna. Waxaa garoonka Mugadishu, halis ugu jiraa in daad badda ka yimid qaado amaba shilal diyaaradeed ka dhacaan haddii aan si deg deg ah wax looga qaban.

Runtii, majirto cid laxisaabtanta, shirkadda maareysa Garoonka ee FAVORI. Waxaa lagaarey xilligii lala xisaabtami lahaa FAVORI iyo Wasiirka Wasaarada oo ku tuntay xuquuqdii muwaadiniinta uu wasiirka u yahay iyo qeynuunka duulista hawada Somalia iyo caalamka.

Wax yaabaha lala yaabo ee garoonka Mugadishu ka dhaca ayaa waxaa kamida, in bartii ay dadka safarka ah gaadiidka ka raacilahaayeen ama ay uga degi lahaayeen markay dhoofayaan laga dhigay Parkin baabuur oo gaar loo leeyahay, oo ay lacag ka gurtaan dad lasiiyey. Shirkado ajnabi iyo kuwa Soomaali ah oo aan wax lataaban karo oo  shaqo ah ka haynin garoonka ayaa iska maamusha.

Sidaasi darted waxaan ku talinaynaa in deg deg wax looga qabto dhibaatooyinka iyo khataraha soo food saaray shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya iyo garoonka diyaaradaha Muqdishu.

Waa laga maarmaan ah, in la soo bandhigo heshiisyada qarsoon ee wasiirku lagalay shirkadaha ajnabiga ah ee loo fasayxay in ay soomaaliya uga shaqaystaan siday doonaan.

Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in lacaddeeyo xuquuqda shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya oo ah canshuur bixiyeyaal ay ka shaqeystaan kumannaan Soomaali ah.

Wabillaahi Towfiiq

Goobjoog News