U bood dhigaalka

Akhriso: Diyaar Garowga Gobollada Ee Ku Aadan Maalinta Ciidda

Sheeko:Dalka

Suuqyada Muqdisho oo lagu iibiyo dharka ciidda waxaa ka jira diyaar garowgii ugu dambeeyay maadaama ciidda ay ka dhimanyihiin maalmo qura.

Ganacsatada Suuqyada ayaa waxay sheegayaan in jidadka oo xiran owgeed ay yaraadeen dadkii ka gadan lahaa dharka ciida sida uu Goobjoog News u sheegay Maxamed Maxamuud Mahdi oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Xamar-weyne.

“Ciiddaan iyo ciiddii hore isku mid maahan, Ciiddaan waxaad moodaa dhanka waddooyinka in ay cariiri yihiin wayna xiranyihiin dadkii noo imaan jiray qaarkood ma aanan helin ciiddaan waddooyinka oo xiran darteed”.

Haween carruutooda lugeysiinayo ayaa boox dhaafiyey Suuqa iyaga oo iibsanaya dharka, balse caqabadda jirta ayaa ah in jidadka ay xiranyihiin degmooyin fogfogna lug kaga yimaadeen .

Dadkan ayaa dowladda waxay ka dalbanayaan in waddooyinka loo furo si dharka ciidda ay u iibsadaan iyaga oo gaadiidkooda la soo galayo Suuqa.

Dadka Suuqa lugta ku yimid waxaa ka mid ah Zamzam Maxamed Maxamuud oo gacmaha ka heysay ilmo ay dhashay waxay Goobjoog News u sheegtay in ay ka soo lugeysay degmada Xamar-jajab iyada oo u soo baxday in caruurteeda ay dhar ciid u soo gado sidaasna ay lug ku timid Suuqa Xamar-weyne.

“Waxaan ka imaaday degmada Xamar-jajab waxaan u soo baxay ilmaha inaan dhar ciid u soo doono, balse magaalada dhan waa ay naga xirxirantahay”.

Dadka Suuqyada ka iibsanaya dharka ciida ayaa hoos u dhacay sanadkan iyada oo loo sababeynayo waddooyinka muhiimka oo ay xirtay dowladda Federaalka.

Puntland

U diyaar garowga ciidda ayaa si aad ah looga dareemayaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaana camiran suuqyada magaalada.

Nuucyada kala duwan ee Kabaha iyo dharka ayaa la keenay Suuqyada magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxayna dadka ku mashquulsanyihiin gadashada dharka.

Waalidiinta ayaa ilmahooda u gadaya dharka Ciidda iyaga oo doonaya in ay ka farxiyaan caruurtooda iyaga oo intaas u dheer in loo iibiyo agabkii ay ku ciyaari lahaayeen.

Ganacsatada iibiya dharka ayaa Goobjoog News uga warramay sida uu yahay ciidaan dhaqdhaqaaqa Suuqyada Garoowe iyo isa bedelka u dhaxeeya sanadkan iyo kii hore.

Xasan Axmed Cabdi oo ka mid ah ganacsatada dharka iibisa ee Garoowe ayaa ka waramaya xaaladda Suuqa waxaa uuna yiri.

“Ciidda dhulka waa barwaaqo magaalada si wanaagsan ayaa looga ciidayaa waxaan helnay ciiddaan macaash badan “.

Deegaannada Puntalnad ayaa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga maalinta Ciidulfidriga oo foodda nagu soo heyso.

Somaliland

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga maalinta Ciidd, sidoo kale Suuqyada Burco ayaa waxaa laga dareemayaa mashquul ku aadan gadashada dharka.

Magaalada Burco ayaa waddooyinkeeda waxaa lagu arkayaa dadka oo raxan raxan u socda kuwaasi oo ku mashquulsan gadashada dharka iyo u diyaar garowga maalinta Ciidda.

Cabdiraxmaan Diiriye oo ka mid ah dadka isku diyaarinaya Ciidda ayaa Goobjoog News uga warramay isku diyaarintiisa ku aadan maalinta Ciidda.

“Waxaan isku diyaarinayaa maalinta koowaad ee Ciidda, waxaana gadanayaa dharkii aan ku tukan lahaa Salaadda Ciidda.

Guud ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ku aadan isku diyaarinta maalinta Ciidda.

Jubbaland

Suuqyada magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose ayaa waxaa laga dareemayaa u diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan maalinta Ciidulfidriga.

Suuqa ugu weyn Kismaayo ee dhanka ka nagacsiga ayaa xilligan waxaa ka jira Mashquul aad u baaxad weyn kaasi oo ay dadka isku diyaarinayaa Maalinta Ciidda.

Guud ahaan deegaannada Jubbaland ayaa waxaa laga dareemayaa u diyaar garowga Maalinta Ciidda taasi oo ay dadku isku diyaarinayaan.

 Hirshabelle

Caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa waxaa  ka socda dhaqdhaqaaq xooggan oo ku aadan sida ay dadku iskugu diyaarinayaa maalinta Ciidda, sida uu noo sheegay Wariyaheenna Cusmaan Cabdalla Cusmaan oo ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.

Waxaa ka jira Suuqyada Jowhar Mashquul badan oo dhanka Iibsiga dharka ah waxayna tilmaameen ganacsatada in si aad ah uu u kala socdo Iibsiga dharka.

Guud ahaan deegaannada Muuaamulka Hirshabelle ayaa waxaa ka soconaya diyaar garowga ciidda mana jirto wax dhibaato ah oo laga soo sheegayo.

 Galmudug

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka soconayaa diyaar garowga Ciidda sida uu noo sheegay wariyeheenna ku sugan halkaasi Cabdirisaaq Al-cadaala.

Waxaa Suuqyada magaalada ka jira mashuuqlka dadka kuwaasi oo gadanaya dharka Ciidda iyaga iyo ilmahooda.

Ganacsiga Magaalada cadaado ayaa ah mid aad u kala socdo, waxaana sanadkan magaalada ku soo batay dharka Caruurta iyo Agabyada ay ku ciyaaraan.

Dhanka kale magaalda Dhuuso-mareeb ee caasimadda Gobolka Galgaduud ayaa iyadana waxaa ka soconaya diyaar garowga ku aadan maalinta Ciida.

 Koofur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ka soconayaa diyaar garowga Ciidda sida uu noo sheegay wariyeheenna ku sugan halkaasi Cabdulqaadir Warcaddeeye.

Waxaa Suuqyada magaalada ka jira mashuuqlka dadka kuwaasi oo gadanaya dharka Ciidda iyaga iyo ilmahooda.

Deegaannada Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa soo dhoweynta Maalinta Ciidda.

 Goobjoog News