U bood dhigaalka

Akhriso: DP World Iyo Heshiisyadii Ay  Ku Fashilantay

Sheeko:Dalka

Shirkadda DP World waxaa iska leh xukuumadda Dubia oo ah imaarad ka tirsan Imaaraadka Carabta, waxaa ay maalgeshi ku sameysataa dekado badan oo caalamka ah.

Shirkadda DP World waxaa la aasaasay sanadkii 1999, waxaa ay ka shaqeysaa arrimaha isgaarsiinta iyo Lojistikada, waxaa kaloo 2006-dii ay la wareegtay shirkadda “P & O” oo ah shirkadda  heshiiska la gashay dekadda Boosaaso.

Shirkadda DP World waxaa ay maamushaa dekadaha illaa 40 dal oo caalamka ah, Mashaariicdeeda waxaa ay ka badan yihiin 77 xarumood oo badda ah, shaqaalaha shirkadda waa 37,000 oo ka soo kala jeeda 110 dal.

Horudhacaas waa mid fiican, laakin shirkaddan waxaa jirta mashaariic badan oo ay xirtay ama ku guul-dareysatay, waxaan ka xusi karnaa:

2006: Shirkaddan Dp World waxaa ay shirkadda “P & O” ku iibsatay 6 Bilyan oo Dollar, waxaa kaloo ay dowladda Mareykanka heshiis kula gashay in ay maamulaan 6 dekad oo ay ku jiraan New York, Newark, Baltimore iyo Miami., xubno ka tirsan Labada aqal, madaxweynayaal hore, governotoorayaal iyo mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa iska diiday, heshiiskana sidaas ayuu ku burburay.

2006: DP World oo adeegsaneysa  Cabdiraxmaan Boreh oo ah ganacsade saxiib la ah Imaaraadka ayaa 30 sano heshiis la gashay dalka Djibuti si ay u maamulaan Doraleh Container Terminal, (DCT) waxaa la furay 2008-dii, laakin dowladda Djibuuti waxaa ay dacwad ka furtay maxkamad ku taallo London, dacwada waxaa uu salkeedu ahaa in Imaaraadka ay laaluusheen Boreh si ay u helaan maamulka dekadda, 3 sano sano ka badan ayey dacwadda socotaa, in kasta oo eedeyntaas lagu waayey Boreh hadana waxaa la sheegayaa in uu ka shaqeeyay in Imaaraadka lagu wareejiyo Berbera.

2010: Imaarada Abuu Dhabi Oo  DP World u diiday heshiis cusub: Imaarada Abu dhabi oo caasimadda Imaaraadka ayaa iska diiday in ay heshiis-ka u cusbooneysiiso DP World, Abu Dhabi Terminals oo loo soo gaabiyo ADT ayaa sheegtay in ay iyada maamulan doonto dekadda.

2011: Shirkadda DP World, waxaa ay ceyriyeen shaqaalo badan sida ka dhacday dekadda Ceynu Sukhna ee dalka Masar.

2012: Sida ay qortay Financial Times shirkadda DP World waxaa lagala laabtay heshiis ay 30 sano kula gashay dekadda caanka ah ee Cadan, shirkadda DP World waxaa lagu eedeeyay musuq, waxaa kale oo la ogaaday in ay qalab ka xadeen dekadda, lacagtii lagu ballamay oo aaney bixin, dayactir la’aan.

Madaxweynaha Djibouti  oo todobaadkan wareysi siiyay Tesfa News ayaa sheegay in heshiiska Berbera uu ku lug leeyahay Cabdiraxmaan Boreh oo ah ganacsade Djibouti -yaan ah oo dibadda ku nool, waxaa uu horay Imaaraadka ugu wareejiyay dekadda Djibouti ah markii dacwad lagu furay ayuu ka shaqeeyay in Bebera uu ugu abaal-gudo.

Madaxweyne Geelle oo la weydiiyay in heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland oo khatar ku yahay dekadda Djibouti waxaa uu ku jawaabayWaxba nagama baxsan, xaaladda waa mid deggan, si dekadda Berbera ay u qabsadaan suuqa Itoobiya waa in dib loo dhisaa waddo dhererkeedu yahay 280 KM taas oo dekadda ku xirta xadka Itoobiya, hal milyan iyo bar ayaa ku baxaya halkii KM iyo in ka badan 400 Mliyan..Yaa dhiibaya?  Waxaa intaa dheer dhulka, qalabka ay maraakiibta waaweyn ku soo xiran karaa waxaa ay Berbera u jirtaa 12 KM halka Djabuti ay Djabuti ay toos tahay, waxyaabo badan ayaa noo hiillinaya”.

Goobjoog News