U bood dhigaalka

Akhriso: Duqeymaha Mareykanka Ee Al-shabaab Iyo Saameyntooda Fog

Sheeko:Amniga

Iyaga oo ka jawaabaya sida uu Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Isra’el , Al-shabaab waxaa ay todobaadkan 19 saac heysteen Hotel ku yaalla Nairobi iyaga oo halkaasi ku dilay 12 qof.

Sida ay qortay  jariidadda afka dheer ee The Washington Post, marka laga soo tago dilka iyo khasaaraha hantiyeed iyo midka nafsiga ah ee soo gaaray dadka Kenyaanka ah, Al-shabaab waxaa ay sidoo kale ka jawaabayeen duqeynta Mareykanka u geystaan.

Sanadkii tagay 47 jeer ayey Mareykanku duqeeyeen fariisimaha Al-shabaab, taas oo ka badan sanadkii ka 2017 oo ahaa 31 duqeyn. 2018 waxaa ay Al-shabaab duqeymaha looga dilay in ka badan 300 oo December keliya laga dilay 62 qof.

Khubaro ayaa The Washington Post u sheegay in duqeynta ay cadaadis saareyso kooxda balse aaney meesha ka saari-doonin inay dib isu aruursadaan, saameynta fog ama weerarro qaadaan.

“in kasta oo duqeymaha ay waxyeeli karaan awoodda Al-shabaab waqtiga dhow, laakin lama hubo sida ay uga hortagi karaan inay dib isu aruursadaan” sidaasi waxaa yiri Lauren Blanchard, oo ah falanqeeye ka howl gala  the U.S. Congressional Research Service.

Goobjoog News