U bood dhigaalka

Akhriso: Faah-faahinta Barnaamijka Farmaajo Ee “Is-xilqaan”, Qaabka Fulinta Iyo Lacagaha

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu  furitaanka kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka ku daah-furay barnaamijka ” Is-xilqaan”,  kaas oo ah mid uu dadka ugu baaqayo in si iskaa wax ku qabso ah lagu dhiso 11 hey’adood.

Farmaajo waxaa uu sheegay in Barnaamijka “Is-xilqaan”  uu halbeeg u yahay waddaniga dhabta ah ee ka dhiidhiya dayacsanaanta dhulkiisa hooyo.  waxa uu ku qotomaa mabaadii’da  aasaasigaah ee Dastuurku ku dhisan yahay oo si cad u kala qeexay xuquuqda  iyo waajibaadka  muwaadiniinta.   Waxa uu ku qotomaa mas’uuliyadda  Islaamnimo  ee muwaaddin-nimo.

Waa maxay Is-xilqaan?

Waa barnaamij wax-qabad oo Soomaaliyeed oo sal iyo cidhibba ku leh dhaqanka Soomaaliyeed  ee   isku-tashiga,   isku-tiirsanaanta   iyo   is- gargaaridda  heer  walba  ah.  Waa  Barnaamij gogol-xaadh  u  ah  soo bandhigidda  wax-qabad  taabbo  gal  ah  oo  ay   horseed ka  tahay Xukuumadda Nabad iyo Nolol, laguna xusayo sannad guurada 60aad ee Xorriyadda Soomaaliyeed.

Waa barnaamij ama mashruuc heerar badan gaadhaya ama saamayntiisa ku yeelan doona. Heerarka uu gaadhi karo waxaa ka mid ah: mid qofeed, mid qoys (family), mid deegaan iyo mid Qaranba.

Haddaba, waxaa muhiim ah in Olole xooggan oo ballaadhan lagu qaado, loona  sameeyo  barnaamijka   ”Is-xilqaan” ee  u  diyaargarawga  60 guurada maalmaha xorriyadda. Ololahaas oo ah wac-yigelinta bulshawaynta Soomaaliyeed si  ay dalkooda iyagu u  dhistaan isuguna xisaabtamaan.

Sidee loo fulinayaa?

Waxaa la  abuurayaa Guddi heer Qaran ah oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukuumadda, bulashada rayidka ah, culimaa’uddiinka iyo ciidamada.

Waxaa la abuurayaa farsamo yaqaanno iyo Injineerro  hawlaha dib-u-dhiska haga iyadoo jumca  kasta la  shaqaynaayo laba saacadood iyo badh (2:30 hrs). Sidoo kale Khamiis kasta oo ugu dambaysa bil walba waxaa loo asteeyay maalinta ololaha “Is-xilqaan” ee nadaafadda iyo dib-u-dhiska dalka.

Waxa dib-u-dhis ballaaran lagu sameeynayaa qaar ka mid ah xarumihii iyo hantidii dawladda ee ku burburtay dagaallada sokeeye, iyadoo:-

  1. La abaabulayo, lagana shaqaysiiyo cududda dadweynaha (Dhalliyaaro, Shaqaale, Haween, Iskaashatooyin, ciidamada, dadweynaha xaafadaha iyo degmooyinka), laguna tartamo,  la  iskuna abaalmariyo
  2. In barnaamijka   Is-xilqaan   ee  dib  loogu   dhisayo  dalka  si   ballaaran looga wada qayb-galo  xoog, fikar iyo dhaqaaleba.

Maxay Guddidu Qabanayaan: Waxa ay abaabuleysaa bulshada Soomaaliyeed, caruur iyo cirroole, dhalinyaro, waayeel, haween, shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Xubnaha Guddida:  Guddida Ololaha is-xilqaan waxa ay ka kooban tahay Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha  Bulshada, Hawlaha  Guud,  Warfaafinta,  Arrimaha  Gudaha, Waxbarashada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Caafimaadka,  Haweenka, Gaashaandhigga,Amniga, Cadaaladdaiyo Gobolka Banaadir.

Sidee Loo Maal-gelinayaa: Waa is-xilqaan ku dhisan oo uu qofku xooggiisa, xoolihiisa iyo xirafadiisa ku  tabarrucaayo  dalkiisana  ugu  deeqaayo. Hase-yeeshee. Waxaa  la furi  doonaa sanduuq loogu yabooho Qurbejooqta, ganacsatada, bulsho waynta Soomaaliyeed iyo qof kasta oo danaynaaya in  uu wax  ku darsado, iyada oo  la  dejinayo  nidaam maamul, qaab sahlaya uruurinta  iyo  macluumaadka tabarucaadka dadweynuhu uga qayb-qaadanayo barnaamijka isxilqaan ee dib u dhiska dalka.

In laqu guulaysto Barnaamijka Is-xilqaan waxaa asaas u ah: Sida taariikhdu  na barayso horumarka ay bulsho kasta gaarto, waxa aasaas u ah qaabka ay u fekeraan iyo sida ay ugu heelan yihiin in  ay qadarkooda iyo is-xilqaankooda ku gaaraan horu-kac baaxad leh oo ay uga baxaan dib-u-dhaca  ay dariska  la  yihiin,  una hiigsadaan  horumarka dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee asaagood gaaray.

Haddaba, waxaa muhiim ah in ay is-abaabusho  Ummadda Soomaaliyeed iyaga oo ku tashanaya  maalkooda,  maskaxdooda  iyo muruqooda,  si dib loogu   soo  nooleeyo   hay’adihii   Dowladda   ee  qaybta   weyn   ku  lahaa horumarka  iyo xadaaradda  dalka.

Sidaa  awgeed,   iyada  oo   la   muunaynayo    sanad-guurada    60aad   ee xorriyadda   iyo  midnimada   Soomaaliya  ee  ku  aadan  2020-ga,   lagana amba-qaadayo  talooyinka   iyo tilmaaha  ay  bixiyeen  Madaxweynaha  JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda  JFS, waxa  lagama-maarman   ah in dib loo dayactiro,  loona haw-galiyo;  wajiga  koowaad ee Barnaamijka  ls-xilqaanna  lagu bilaabo hay’adaha  iyo Dhismayaasha kala ah:-

  • Matxafka Qarahka.
  • Golaha Murtida iyo wacyi-gelinta Dadweynaha.
  • Maktabadda Qaranka.
  • Xaruntii Dhexe ee Xisbiga.
  • Tuulada Ciyaaraha (Mogadishu  Stadium).
  • Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka (Isbitaal  Benaadir).
  • Taalooyinka Taariikhiga.
  • Hir-gelinta Barnaamijka   Bar ama Baro.
  • Isku filnaansha xagga quudka.
  • Abuuritaanka Tuulooyin  Kalluumaysi.
  • Dayactirka Buundooyinka.

Goobjoog News