U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaafinta Qaraxii Ka Dhacay Hotel Elite

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax galinkii dambe ee maanta ka dhacay hotelka Elite ee ku yaalla agaarka xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, waxaana soo baxayo khasaare ka dhashay qaraxa.

Kooxo hubeysnaa ayaa hotelka gudaha u galay kadib markii afafaafka hore lagu dhuftay gaari siday walxa qarxa, waxaana xigtay rasaas xoogan oo ay isweysnaa iyo ciidamadii ilaalada ka haayey Elite hotel iyo qolyihii gudaha galay

Waxaa warar kale duwan laga helayaa dadkii wax ku noqday qaraxa, waxaana kamid ahaa aagaasime ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi sida oo ahaa agaasimihii xiiriirka gobolada sida bartiisa Facebook uu ku xaqiijiyey agaasimaha qorsheynta ee wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Axmed.

Sidoo kale dadkii wax ku noqday qaraxa waaa kamida wasiirkii howlaha guud ee maamulka Galmudug Axmed Washiton uu dhaawac culus soo gaaray iyo sawirqaade ka tiranaa Telefeshinka qaranka Maxamad Caraaye Foorno , waxaana sidoo kale jira khasaare soo gaaray dad shacab ah oo weli aan si dhab ah loo ogeyn.

Goobjoog News