U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahin Ku Saabsan Khasaaraha Guud Ee Ka Dhashay Qaraxii Maanta

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan Lix qof ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen 16 kale qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag.

Qaraxan ayaa ahaa mid xooggan oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana uu sidoo kale uu qaraxan burburiyey xarunta degmada, guryo ay deganaayeen dad shacab ah, masjid iyo Dugsi Qur’aan.

Saalax Xasan Cumar Saalax dheere oo ah Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir ayaa Goobjoog News uga warramay sida uu qaraxa u dhacay “Gaari lagu sheegay inuu ahaa Baraado ayaa rabay in halkaan uu si xoog ah ku soo jiiro xaruntana uu gudaha u soo galo, Lkn nasiib wanaag ciidamadii ammaanka ee degmada kana shaqeynayay xaruntaan ayaa ka hortagay in ay gaarigaas istaagiyaan markaasna gaarigii waa uu is qarxiyay”.

Lix qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jiraan Askar, rayid , qofkii is qarxiyay waxaana sidoo kale waxyeello ay soo gaartay tobaneeyo kale sida uu sheegay Maxamed Xuseen oo ah Sargaal ka tirsan Ciidamada Booliska.

Madaxa Amin ambulance ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof ay ku dhaawacmeen qaraxan, halka Lix ka mid ah dhaawacyadaan ay yihiin caruur sidoo kale dadka dhaawaca uu soo gaaray waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Holwadaag.

Alshabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta degmada Howlwadaag sida uu sheegay Cabdi Casiis abuu Muscab oo ah afhayeenka dhanka howlgallada ee Alshabaab.

Goobjoog News