U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Qarax AMISOM Lagula Eegtay Buurane

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi lagula eegtay deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellada dhexe.

Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinaceeda la ghaliyey ayaa haleeshay mid kamid ah kolonyo gaadiid ah oo ciidanku ay watadeen, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxaas,

Ciidamada ayaa waqti yar ka dib socdaalkoodii iska sii watay waxaana dhacday in askari ka tirsanaa ciidamada qaraxa lala eegtay uu dil u geystay ruux la sheegay in ay haween aheyd, kadib markii uu u galay gurigeeda oo ku dhowaa halkii qaraxu ka dhacay, iyagoo horay u dilay seygii hawenayda sida ay sheegayaan wararka la helaayo.

Ciidamada AMISOM ayaa inta badan waxaa ay la kulmaan qaraxyo kala duwan, kuwaas oo in badan ay ka dhashaan khasaare kala duwan oo soo gaaro ciidanka iyo dad shacab ah, waxaana mas’uuliyadda qaraxa sheegtay Al-shabab.

Goobjoog News