U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahinta Qaraxii Ka Dhacay Kismaayo

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheerad ah laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee caasimadda maamul goboleedka Jubbaland, waxaana jira khasaare kala duwan oo qaraxa uu dhaliyey.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay banaanka hore masjid jaamaca magaalada, kaas oo dhinaca ku haayo xarunta rugta ganacsiga Jubbaland, xiliga uu qaxu dhacaayey ayaa waxaa lagu jiray salaadda jimcaha.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey ruux naftii hure ah, kaas oo isku soo xirtay jaakada qarxa, waqtigaas ayaa masjidka waxaa ku tukanayey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo rugta ganacsiga.

Qaraxa oo dhaliyey burbur gaarsiiyey dhismaha masjidka ayaa waxaa ku geeriyooday afar ruux oo uu ku jiro ruuxii naftii huraha ahaa, halka ay ku dhaawacmeen lix kalae, Alshabab ayaana sheegtay mas,uulioyadda qaraxa.

Dadkii qaraxa ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid agaa guddoomiyihii rugta ganacsiga maamulka Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin iyo Cabdillaahi Xasan Rooble oo ahaa ardaygii kaalinta 22aad ka galay Imtixaankii qaranka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa si deg deg ah ugu laabtay magaalada Kismaayo si uu uga qeyb galo aaska guddoomiyiihii rugta ganacsiga Jubbaland.

Image may contain: 1 person

 

Image may contain: 1 person, selfie and closeup

Image may contain: text

Goobjoog News