U bood dhigaalka

Akhriso: Go’aannada Kasoo Baxay Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Dan-Qaran

Sheeko:War
Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa  waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.
Shirkan degdegga ah ee xalay  oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob  dhow ah, kuwaas oo la isku raacay intii uu shirku socday.
– Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka.
– Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.
– Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.
– Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.
– Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.
– Ugu dambeyn waxaa golaha wasiirradu boggaadiyay hawlgallada ciidamada qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan, waxaan ay sheegtay xukuumaddu in ay garab taagan tahay.
Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuridda Federalka Soomaaliya  waxay ka kooban yihiin:
1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
6. Wasiirka Maaliyadda
7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
10. Wasiirka Amniga Gudaha
11. Wasiirka Gaashaandhigga
12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
14. Culimada Soomaaliyeed
15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
16. Ururada bulshada Rayidka.
Go’aannadaan kasoo baxay shirka golaha wasiirrada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dalka ay ka jirto abaar baahsan taas oo saamaysay dadka iyo duunyada, waxaana gobollada qaar ay gaartay heer dadku ay waayaan biyo iyo baad intaba, waxaana ay u soo hayaameen magaalooyinka si ay wax uga helaan, maadaama ay dhaafeen xoolahooda.
May be an image of 7 people, people standing and indoor
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person and sittingMay be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 3 people, people sitting and indoorMay be an image of 4 people, people sitting, people standing, suit and indoorMay be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 7 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 2 people, people sitting and people standingGoobjoog News