U bood dhigaalka

Akhriso: Golaha Aqalka Sare Oo Maanta Ka Doodaya Sharciga Doorashooyinka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maanta kulan ku leh xaruntooda ayaa ka shiraya hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka xilli ay soo dhawdahay doorashada dalka ka qabsoomi doonta sanadka 2021-ka.

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in xildhibaanada aqalka sare ay dood adag ka yeeshaan meel marinta sharciga doorashooyinka oo ay horay u ansixiyeen mudanayaasha golaha aqalka hoose.

 Mudanayaash aqalka sare ayaa horay u codsaday in la siiyo waqti ay ku soo aqristaan sharcigaan iyada oo 11-kii Janaayana loo qeybiyay.

Waxaan wali dhinac u dhicin nuuca doorasho ee sanadka 2021-ka dalka ka qabsoomi doonto.