U bood dhigaalka

Akhriso: Guddiga ammaanka Putnland Iyo go’aanno La Xiriira Hubka, Amniga Iyo Doorashada

Sheeko:Dalka

Xili ay maalmo ka harsan tahay doorashada maamulka Putnland, ayana socdaan qaban-qaabadii ugu danbeysay ayaa dhanka kale waxaa socda howl-gallo ammaanka lagu adkaynayo, waxaana isniintii shir isugu yimid gudigga ammniga oo kala ahaa wasiirka aminga, wasiirka warfaafinta, guddoomiyaha gobalka iyo taliyaha sugidda loo xilsaaray doorashada inta lagu guda jiro , waxaana shirka laga soo jeediyay qodobo amniga horay  looga soo saaray iyo halka ay marayaan iyo waxa laga qabtay amniga maalmihii la soo dhaafay .

Taliyaha ciidanka badda ahna taliyaga sugidda amniga Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay  in la bilaabayo howlihii ugu danbeeyay ee lagu xaqiijinayo amniga magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada maamulka Putnland si aan loogu soo dhexdhuumanin, asagoo soo rogay amarro lagu joojinayo ciidamada shaqada ka fadhiya iyo hubka sharcidarada ah ee lagu dhexwato magaalada Garoowe gudaheeda ayada oo laga digtoonyahay in wax qalada ay dhacaan inta lagu guda jiro doorashada dhowaan la filayo.

“Waxa aan annagu aan hadda ka shaqeynayno waxaa weeyaan inaan sugno ammaanka magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada maamulka uu ka taiyo, waxaana u sugnay si dhab ah oo siduu cadawgu marnaba uuna nooga faa’iidaysan, Soomaali diidka iyo inaan xakamayno dhaqdhaqaaqa,  ciidamada aan shaqyen iyo hubka sharci darada ah iyo waliba gaadiidka”.

Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax  oo sii hadlaya “waxaa leeyahay hubka waxii maanta ka danbeeyo magaalada Garoowe ee caasimada Putnland waxaa la dhexmari karaa oo kaliya hub sharci ah, markaan leeyahay waxaa waaye in ciidamada ammaanka sugaya oo loo xilsaaray iyo kuwa booliska ayaa waxa ay  la dhexmari karaan oo kaliya hubka magaalada Garoowe”  isaga oo intaasi raaciyey “Ciidamada  kale ee ka imaanaya meelaha kale ama haya shaqooyinka kale iyagu waxa ay tagayaan meeshii ay u socdeen lamana ogolaanayo inay magaalada hubkooda la dhex maraan”

Taliyaha ayaa sheegay xakameynta hubka iyo ciidamada  aan cid gaara loola jeedin ee kaliya ay la xariirto sugitaanka ammaanka, amnigooda oo kaliya ay tahay ujeedada, oo aaney aheyn wax cid gooni ah loogu talo-galay in lagu carqaladeeyo.

“Waxaa jira musharaxiinta, waa musharaxiintii madaxweynaha maamlka Putnland, sharaf iyo qadarin ayey ciidamada ka mudan yihiin, waa mawaadiniin in lagu xadgudbana xaq ma ahan, ayaguna waa inay ogaadaan inaan ku mashquulsanahy siday u tartami lahaayeen’.

Dhanka kale wasiirka aminaga Puntland Axmed Cabdullaahi Doowlad ayaa sheegay in magaalada ay ku jiraan ciidamo badan oo loogu tala galay sugidda amniga asagoona bulshada ka codsaday  in ciidama amanka iyo shacabku wada shaqeeyaan.

“Waxaan rabnaa marka inaan faafaahin siino dhamaan dadweynuha ayagoo og ciidankoodu inuu sugayo amniga, ayagana laga rabo inay garab istaagaan ciidama sidii ay u gutaan shaqadii loo idmaday, dhamaan shacab reer Putnland waxaan ka codsaneenaa si au wadaninimo ku jirto ula shaqeeyaan ciidanka.

Wasiirka warfaafinta Cabdi Xirsi Cali Qarjaf ayaa shacabka u  soo jeediyay in si wada jira looga shaqeeyo ammaanka waxa uuna baaq udray musharaxiinta.

“Musharaxiinta xilka madaxweynanimo u tartamaya nin waliba waxa uu doonayaa inuu ka  noqdo madaxweyn,  musharaxiinta ayaga ayaa laga raba sida ugu caafimaadka badan ugu amaanka badan inay qeyb uga qaataan ammaanka sugudiisa”.

Shirkaan looga hadlayay amaanka ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya shirar magaalada ka socda oo doorashada la xariira dhanka kale waxaa magaalada uu ka dhacayo shir u dhaxeeya gudiga warfaafinta baarlamaanka iyo saaxaafa oo looga wada hadlayo sidii saxaafada ay u tabin laheyd doorashada Janaayo.

Goobjoog News