U bood dhigaalka

Akhriso: Guddiga Uu Golaha Aqalka Sare U Magacaabay Xallinta Khilaafka Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan ay maanta xaruntooda ku yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare, kaas oo ku saabsanaa xaaladda ka soo cusboonaatay golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, ayaa waxaa ay guddoonsadeen ka qeyb qaadashada xal u raadinta khilaafka, waxaana shirka ka soo baxay arrimahan:

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare, waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo hey’adaha dowladda in la ilaaliyo xasiloonida , degennaanta dalka , gaar ahaan arrimaha ka soo cusboonaaday golaha shacabka.

Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare, waxaa uu ka codsanayaa guddoonka, guddiga joogtada ah iyo dhammaan xubnaha golaha shacabka in ay ka wada shaqeeyaan xasiloonida golaha iyo in wixii khilaaf ah ee ka dhex-jira golaha shacabka lagu xalliyo si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka.

Guddiga joogtada ah ee aqalka sare, waxaa uu guddoonsaday isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ku qeexan qodobadka 61aad, faqradiisa 1aad in uu magacaabo guddi ka qeyb qaato xallinta khilaafka soo kala dhex-galay golaha shacabka guddigaasi waxaa ay kala yihiin:

  1. Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, Guddoomiye
  2. Senator Mowliid Xuseen Guhaad, Xubin
  3. Senator Zamsam Ibrahim Cali, Xubin
  4. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xubin
  5. Senator Maxamud Axmed Mashruuc, Xubin
  6. Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Xubin
  7. Senator Muhyudiin Sheekh Cali Jaamac, Xubin

Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare, waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada uu khilaafka ka dhaxeeyo in ay gacan buuxda ku siiyaan guddiga la magacaabay ee golaha aqalka sare sidii xaaladda ka taagan golaha shacabka loogu soo celin lahaa xasiloonnidii iyo degnaanshiyihii uu ku sugnaa golaha shacabka Khilaafka ka hor.

Goobjoog News