U bood dhigaalka

Akhriso: Hadaljeedintii Kulankii Maanta Ee Golaha Aqalka Sare oo Lagu Ansixiyey Sharci Horyaalay

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey hindise-sharciyeedka jaangoynta iyo tayo dhowrka Soomaaliyeed.

Kulanka golaha ayaa waxaa soo xaadiray 28 mudane oo maanta uu ku furmay kooramka golaha, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha senotar Cabdi xaash Cabdillaahi,  waxaana goob joog ahaa labadiisa ku xigeen ee 1-aad iyo 2-aad.

Ugu horeyn waxaa golaha hor yimid guddoomiye ku-xigeenka guddiga dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadah, isgaarsiinta iyo dalxiiska Senatar Deeqa Xasan Xuseen, waxaana ay golaha ka hor jeedisay akhinta 2aad ee sharciga maanta sugaayey akhrinta 3-aad iyo in la meel mariyo waxaana ay tiri.

“Guddoomiyaha Aqalka sare Senoter Cabdi Xaashi Cabdillaahi 30-kii Janaayo ayuu hindise-sharciyeedka ugu soo gudbiyey guddiga dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadah, isgaarsiinta iyo dalxiiska, 11-kii bishii 2-aad 2020,  guddiga ayaa qodob qodob u akhriyey isla markaana uu ka dooday soona gaban gabeeyey wax kabadalka hindise-sharciiyeedka, guddigu waxaa uu isla qaatay in qabyo qoraalka hindise-sharciyeedka shirkadaha uu u baahan yahay wax kabadal in  lagu sameeyo”.

Sidoo kale Senoter Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka hor hadlay golaha ayaa xusay in xiligaan  sharciga tayo dhowrka wax badan laga qabtay wasaadaha qaarkoodna ay hir gelinyeen in ay ilaaliyaan badqabka iyo tayada alaabta imaata wadanka.

“Waqti xaadirkaan waxaa jiro wasaarado ku howlgala tayo dhowrka waan ognahay oo ay ka mid tahay wasaaradda caafimaadka oo hadda sheegay in tayo dhowrka daawada ah ay ilaaliyaan, waxaa kale oo jira gobalka ruuxiisa inuu sameeyo tayo dhowrka oo ku wajahan raashinka soo gala wadanka ee dibadaha laga soo dhoofiyo” ayuu yiri.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa  golaha kaga  mahad celiyey ansixinta sharcigaan, waxaana uu sheegay in gobalka Banaadir ay sifiican uga socoto tayo dhowrka wasaaradaha  ay bilaabeen hirgelinteeda.

“Waxaa maanta sharf weyn inoo ah in maanta oo taariikhdu tahay 12-2-2020-ka in golaha Aqalka sare ee Baarlamanka uu ansixiyey hindise-sharciyeedkii jaangoynta iyo tayo dhowrka Soomaliyeed ahna sharci muhiim u ah umadda Soomaaliyeed, sharci aad baahi weyn loogu qabay, muhiimadiisa ugu balaaran waxaa ay tahay inuu ilaalinaayo badqabka qofka caafimaad iyo dhaqaale ahaan” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyn Sharciga Jaangoynta iyo tayo dhowrka Soomaaliyeed ayaa waxaa  u codeeyey dhammaan mudanayaashii ku sugnaa golaha mana jirin cid diiday ama ka aamusutay, guddoomiyaha golaha Senotar Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa shirka golaha soo xiray, waxaana uu xusay in sharcigu uu sidaas ansax ku yahay.

Goobjoog News