U bood dhigaalka

Akhriso: Heshiika Habka Doorashooyinka Soomaaliya Ee Sanadka 2020-ka

Sheeko:Dalka

Habeen hore saqdii dhexe waxaa Baydhabo lagu soo gabo-gabeeyay shirkii amniga qaranka, shirkan oo 2 maalin socday waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa habka doorashada la doonayo in Soomaaliya ka dhacdo 2020-ka.

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa nooca doorasho ee madaxda isku raaceen inay dalka ka dhacdo 2020-ka iyo sababta ay ku doorteen.

Sida ku xusan qoraal ay aragtay Goobjoog, ka hor inta aanu golaha amniga qaranka go’aan gaarin waxaa uu xeeriyay qodbada soo socda.

  1. Nooca doorasho iyo deegaan doorasho uu dalku galayo qaadanayo waa in ay noqdaan kuwoo suuro-gelin kara in dadweynaha codkooda si xor ah(qof iyo cod) oo dimoqoraadi ah u dhiibtaan.
  2. Nooca doorasho waa inuu ahaado mid tixgelinaya xaaladda amni, dhaqaale iyo isku dheellitirnaanta metelaadda siyaasadeed.
  3. In nooca doorasho uu yahay mid dhiirigelinaya nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan, kuna saleysan nidaam dimoqoraadi ah oo tixgelinaya dheelitirnaanta kuraasta beelaha ee liiska xiran ee xisbiyada.
  4. In nooca doorasho mid tixgelinaya hannaan lagu ilaalin karo matalaadda dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka.
  5. Nooca doorasho waa inuu ahaado mid hoggaaminaya wadajirka, bulshada iyo muqadasnimada midnimada Soomaaliya.
  6. Nooca doorasho waa inuu yahay mid kalsooni gelin kara dadka Soomaaliyeed in danahooda ay si haboon u matalaan wakiillo ay iyagu doorteen.

Haddaba, goluhu isaga oo ka ambaqaadaya qodobbada kor ku xusan waxaa uu ku heshiiyay:

Qodobka 1aad:  Habka Doorashadu dalku waxaa uu noqonayaa nidaamka matalaadda isku dheelitiran ee nooca liiska xiran(proportional representation-closed list).

Qodobkan 2aad: Hannaanka doorashada waxaa uu tixgelinayaa isku dheelitirnaanta kuraasta beelaha ee liiska xiran ee xisbiyada.

Qodobka 3aad:  Dadweynaha Soomaaliyeed ee xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan waa in la diwaan-geliyo, lana xaqiijiyo in ay codkooda u dhiibtaan si xor ah.

Qodobka 4aad: Doorashadu waxaa ay ka dhaceysaa dhammaan dalka oo dhan, meel walbo oo ay suuragal ka tahay iyada oo dalku mideysan yahay.

Qodobka 5aad:  in qoraalka iyo ansixinta sharciga doorashooyinka lagu soo dhameeyo ugu dambeyn bisha December 2018.

Qodobka 6aad:  waxaa la farayaa hey’adaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka inay dhaqan-gelinta heshiiskan u maraan hannaanka sharciga ee dalka.

Goobjoog News