U bood dhigaalka

Akhriso: Heshiis Horudhac Ah Oo Laga Gaaray Colaaddii Kaxandhaale

Sheeko:Amniga

Shir ka dhacay Cabud-waaq ee Galmuduug ayaa lagu gaaray heshiis horudhac ah oo lagu soo afjarayo dagaalkii ka dhacay deegaanka Kaxandhaale , kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof.

Shirkan, waxaa ka hadlay qaar ka mid ah nabaddoonada labada dhinac iyaga oo mid waliba uu sheegay inay diyaar u yihiin in dhankooda ay ka xoojiyaan nabadda kana qeyb qaataan in si nabada loogu wada noolaado deegaanka.

‘Waxa aan dagaal ka dooranay naban, waxan doonayna nabad iyo walalnnimo lagu wada noolaado, gacantana heshiis lagu badalo,waxaan leennahay dagaalka hala joojiyo, oo soo laab laabtay, dowladda waxaan u sheegayna dagaaladu in ay meelo badan ka jiraan, waadna ogtihiin waxii Balanbale ka dhacay hadana ka taagan Hiiraan, inta aad timaadaan halaabannina, oo ka shaqeeya in dadkii is hor yimaadaan,  lana wada hadlo madaama dadka adinka aad hoggaan u tihiin’, oday ka mid ahaa ayaa sidaa yiri.

Wadahal muddo socday kadib, waxaa la gaaray heshiis, iyada oo lagu balamay in shir kale la qabto bisha soo socota.

Qodobada waxaa ugu muhiimsanaa:

1. In la joojiyo xabadda, oo laga hortago dhiig walaal oo micno daro iyo si aan sharci aheyn ku daata.

2. In 10/2/2019 shir dib u heshiisiin ah laagu qabto dagmada Galinsoor.

Goobjoog News