U bood dhigaalka

Akhriso : Heshiiska Ay Wada Gaareen Dowladda Federaal iyo Dowled gobaleedka Galmudug

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Galmudug, ayaa maanta  war-murtiyeed  ka soo saaray heshiis ay ku gaareen magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud,labada dhinac  ayaa isku raacay ilaa shan qodob kuwaas oo saldhig u ah heshiiska la gaaray, waxaana ka mid ah.

1.Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jederaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.

2. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaaee Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan.

3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteeda kaga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.

5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.

Heshiiska lagui gaaray cadaado ayaa imaanaya ayadoo labadii maalin ee tagatay ay magaalada shir ku lahaayeen madax ka socotay dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedka Galmudug.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Galmudug