U bood dhigaalka

Akhriso: Warqadaha La Kala Saxiixday Ee Heshiiska Somaliland iyo DP World Oo Ku Saabsan Dekadda Berbera

Sheeko:Dalka, War

Heshiiskan Dekadda Berbera Ee Somaliland iyo Shirkadda DP World ee muranka dhaliyay waxaa ay baarlamaanka Somaliland si aqlabiyad u ansixiyeen maalintii isniinta aheyd iyadoo 69 mudane ay ogolaadeen halka 4 mudane ay iska diideen.

Hadaba Goobjoog News ayaa heshay nuqul ka mid ah heshiiska ay wada galeen maamulka Somaliland iyo DP World taas oo dekada maamuli doonta 30-ka sano ee soo socota.

Shirkadda DP World oo laga leedahay Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaa qarash-gareen doontaa ilaa $10 million oo qalab ah si loo dhiso dekadda, waxaa intaa dheer ilaa $5 million oo Kaash ah.

Shirkaddan Imaaraadka waxaa ay gacanta ku heyn doontaa ilaa 65% halka maamulka Somaliland ay lahaan doonto ilaa 35%.

35% la siiyay maamulka Somaliland, waxaa ay toos u leeyihiin ilaa 25%  halka ilaa 10% ay la wareegi doonaan marka ay ka iibsadaan shirkadda DP World.

DP World waxaa ay sheegtay in mashruucan ilaa $442 million oo qarash gareyn doono iyagoo wax badan ku soo kordhin doona dekadda Berbera.

Xagga shaqaalaha ka shaqeeya dekadda Berbera waxaa heshiiska ku qoran in shirkadda DP World ay shaqaaleyn doonto inta ay u aragto in ay anfacayaan oo waxtarka leh halka inta kale ay ku wareejin doonaan Somaliland.

Shirkadda DP World wax cashuur ah lagama rabo 10-ka sano ee ugu horeysa, waxaa kaloo 50% laga cafin doonaa 5ta sano ee xigta.

Heshiisyada oo Dhameystiran waa kan:

1.M O U (1)

2.concession agreement (1)

3.share holders Agr (1)

Goobjoog News