U bood dhigaalka

Akhriso: Heshiiskii Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee DF iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Heshiiskii wadaaga khayraadka dabiiciga oo ay saxiixeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kana dhacay Baydhabo June 5, 2018 waxaa lagu heshiiyey sida loo qeybsanayo dakhliga ka soo xarooda kheyraadka dabiiciga ah.

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa heshiiska wadaaga khayraadka dabiiciga ah oo hadda horyaalla golaha shacabka si loo ansixiyo.

Akhriso, Heshiiska Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah:

Shidaalka Badda: Sida ku qoran heshiiskii wadaaga khayraadka dabiiciga, dawladda federaalku waxay heli doontaa 55% dakhliga shidaalka laga soo saaro badda halka dowlad goboleedka ay heleyso 45%, dakhliga dambe waxaa qeybsan doona dowlad goboleedyada shidaalka soo saara iyo kuwa aan soo saarin, sidaasi waxaa lagu xusay heshiiskii qeybsiga kheyraadka ee Baydhabo oo haatan horyaalla golaha shacabka.

Heshiiska waxaa ku jira in dowlad goboleedka shidaalka soo saarta ay dakhli ahaan heli-doonto 25% halka degmada ama gobolka sida gaar ah ay ugu yaallaan ceelasha saliidda ay helaan 10%. 10% kale ayaa waxaa nasiib u heli-doona dowlad goboleedyada aan shidaalka soo saarin.

Dhinaca kale, shidaalka laga soo saaro dhulka  ama berriga waxaa loo qeybsan doonaa, dowladda federaalka waxaa loo qoondeeyey dakhliga 30% halka dowlad goboleedka laga soo saaray shidaalka iyo gobolka sida gaar ah looga saaray ay kala qaadan-doonaan  30% iyo 20% siday u kala horreeyaan, halka dowlad goboleedyada aan soo saarin shidaalka ay xiso ahaan dakhliga heli-doonaan 20% .

Haddii dhulka laga qodayo gaar loo leeyahay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka waxaa ay kala helayaa 40-40% halka degmada soo daarta ay heleyso 10% iyo dowlad goboleedyada aan soo saarin oo ah 10%. Dakhliga Bixinta Laysinada ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada u qeybsan-doonaan  50-50

SPA: Shirkadda Somali Petroleum Authority (SPA)  ayaa ka mas’uul ah bixinta laysinnada, la socodka iyo dhaqan-gelinta shuruucda shariga shidaalka iyo arrimo kale.

Goobjoog News