U bood dhigaalka

Akhriso: Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka

Sheeko:Caafimaadka

Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay maalmahan ka doodayaan  Hindise Sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka qaranka, waa mid aad u xiiso badan oo noociisa ah, waana xeerkii lagu dhaqi lahaa, lagu shaqo-siin lahaa, lagu abaal-marin lahaa ama lagu ciqaabi lahaa dhammaan Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka!

Hadaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa Hindise Sharciyeedka golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka si shacabka iyo dadka uu sharcigan quseeyo ula socdaan waxa uu ku saabsan yahay, nuxurka iyo qodobadiisa.

Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka:

Ujeedada Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka: Golaha ujeedadiisa waa:  Diiwaangelinta iyo rukhsad-siinta mihnadleyaasha caafimaad iyo xeer-nidaaminta hab-dhaqankooda mihnadeed, Siinta rukhsad xarumaha adeegga caafimaadka ee mudan, aqoonsi-siinta xarumaha waxbarashada caafimaadka, meel-marinta ama joojinta manaahijra iyo barnaamijyada tababarka caafimaad, xaqiijinta bad-qabka iyo tayada adeegyada caafimaad, fududeynta gole u gaar ah mihnadleyaasha kuwaas oo farac ka noqon-doona golaha guud.

U-Qalmidda Xubannimada Golaha: Shuuradaha laga rabo qofka golaha ka mid noqonaya waa: In uu yahay muwaadin Soomaaliyeed, degen Soomaaliya, kuna leh cinwaan rasmi ah, leh shahaadada mihnadleyaasha, mihnadleyaasha ka baxsan caafimaadka waa in ay leeyihiin shahaadooyin meel-mar ah ee maadooyinka la xiriira caafimaadka, waa in uusan laheyn fal-dembiyeed maxkamad xukuntay ama aanu aheyn eedeysane, in uusan ku guda jirin ganacsi saameyn ku yeelan kara isku-dhac danaha golaha iyo in uu ogolaado xubinnimada in si xor ah oo mushaar la’aan uga mid noqdo xubnaha golaha.

Magacaabista Xubnaha: Hey’adaha daneynaya ka mid noqoshada golaha waxaa ay soo magacaabayaan murashaxiintooda uga mid noqonaya golaha, xubinnimada kadib waxaa uu wakiil ka noqon doonaa danaha ay ka leeyihiin golaha, guddiga ansixinta murashaxiinta waxaa soo magacaabaya wasaaradda caafimaadka, shuruudaha tixgelin gaar ah la siin-doono waxaa ka mid ah: Caddeymo sugaya aqoonta mihnadda caafimaad, aqoon mihnadeed sare iyo karti dheeraad ah, waayo-aragnimo mihnadda ah, naxariisa iyo daacadnimo, u hoggaansanka anshaxa iyo akhlaaqda mihnadda iyo ugu dambeyntii dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan.

Heerarka iyo xuquuda Xubinnimada: Golaha mihnadleyaasha caafimaadka qaranka waxaa uu leeyahay 3 heer oo kala aha:

  1. Xubnaha: xubnimada waxaa ay u furan tahay mihnadleyaasha caafimaadka iyo kuwa la xiriira howlaha caafimaadka.
  2. La-wadaage: Ururka ha ahaado mid heer qaran, mid ka dhaxeeya dowlado badan ama mid leh aragti caalami ah, waxna ku soo kordhin kara golaha sida shahaadooyinka, qiimeynta, Imtixaan-qaadista, tayeynta waxbarashada…
  3. Xiriir-wadaag: Xiriir-wadaag waxaa ay u furan tahay urur oo xiriir la leh golaha oo ku aadan hab-wanaagga xeer-nidaaminta ee mihnadda daryeelka caafimaadka oo kaabaya mihnadda caafimaad.

Tirada Golaha:  Golaha waxaa uu ka kooban yahay 15 xubnood oo kala ah: (2) xubnood wasaaradda caafimaadka, (1) xubin wasaaradda tacliinta sare, (1) xubin wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka, (2) xubin ururka dhaqaatiirka Soomaaliyeed, (1) xubin ururka kalkaaliryaasha Soomaaliyeed, (1) xubin ururka umulisooyinka Soomaaliyeed, (2) xubin xarumaha waxbarashada caafimaadka,  (1) xubin ururka farsamayaqaannada sheybaarka Soomaaliyeed, (1) xubin ururka daawo-yaqaannada Soomaaliyeed, (1) xubin ururka fayo-dhawrka Soomaaliyeed iyo (1) xubin bulshada rayidka ah.

Awoodihiisa waxaa ka mid ah: Diinwaan-gelinta iyo rukhsad-siinta xubnaha aqoonta caafimaad leh, ilaalinta anshaxa, gacan-ku-haynta hannaanka haboon ee howl-qabad si waafaqsan mab’ada xeer-nidaaminta caafimaadka bulshada, hor-u-marinta shaqaalaha caafimaadka, dhiiri-gelintooda, rukhsad-siinta iyo aqoonsiga xarumaha caafimaad, waa gole matalada hawl-wadeennada caafimaadka, barista eedeymaha iyo ashaxumida, in bulshada si hufan caafimaadka looga caawiyo, tayo-siinta wasaaradda caafimaadka.

Waayidda Xubinimada: in uusan aheyn muwaadin Soomaaliyeed, haddii magaciisa hore looga tiray diiwaanka golaha, haddii lagu xukumay fal-dambiyeed iyo haddii uusan dhimmir ahaan fayo-qabin.

Golaha waxaa ka kooban yahay: Guddiga fulinta, waxaa kale oo jira guddiyo gaar ah sida: Guddiga cilmo-baarista caafimaadka, guddiga anshaxa mihnadleyaasha, guddiga qiimeynta mihnadleyaasha.

Ilaha Dhaqaale Ee Golaha: Khidmadda diiwaan-gelinta, rukhsad bixinta, aqoonsi-siinta mihnadleyaasha caafimaad, goobaha adeegga caafimaad iyo xarumaha warbarashada caafimaad, waxaa kale uu dakhli ka heli karaa golahan: dakhliga uu ka helo ganaaxa iyo ciqaabaha kale, qoondo miisaaniyadeed ay xukuumadda Soomaaliya siiso iyo dhaqaalihii kale ee laga helo kari ilo kale.

Diiwaan-gelinta mihnadleyaasha Caafimaad:

Codsi-diiwaangelin:  qofka waa in uu ka codsadaa golaha, waxaa wehlinaya caddeyn shahaaodo, fayo-qabka jireed iyo midda dhimireed iyo taariikhda fal-dambiyeed haddii uu jiro, muddo 30 cisho gudahood ayuu golaha go’aan ku qaadanayaa, haddii lagu qanco waa la sii wadayaa hab-socodka diiwaan-gelinta haddii kale waxaa codsadaha loo sheegayaa sababta loogu diiday, lama diiwaan-gelin karo codsadayaal hore magacyadooda looga saaray diiwaanka.

Joojinta hawl-galka Mihnadleyaasha aan diiwaan-gashnayn: Qofna ma shaqeyn karo diiwan-gelin la’aan, qofkii lagu helo dambigaasi waxaa lagu ganaaxayaa US$2,000 ama xabsi muddo aan ka badneen hal sano ama labadaba, Qofka aan u qalmin isla markaana ku xad-gubta diiwaangelinta waxaa uu bixinayaa US$4,000 ama xabsi aan ka yareen 2 sano ama labadaba.

Shuruudaha Diiwaangelinta: qofka lama diiwaan-gelin karo haddii uusan heysan shahaado ama xarun waxbarasho, isaga oo aan ka gudbin wareysiga iyo imtixaanka, isaga oo aan filin shuruudaha golaha, haddii shuruudaha uu buuxiyo codsadaha waa la diiwaan-gelinayaa, waxaana la siinayaa shahaado.

Heerka Diiwaan-gelinta:

  1. Diiwaan-gelin KMG: Qof kasta oo buuxiyo shuruudaha golaha waxaa la siinayaa shahaado KMG ah, waxaana lagu kormeerayaa si loo hubiyo tayada waxqabadkiisa si uu u helo diiwaan-gelin buuxda.
  2. Diiwaan-gelin Buuxda: Qofka heysta shahaado la aqoonsan yahay, horayna  u heystay shahaadada diiwaan-gelinta KMG ah, qofkaas si KMG ah u diiwaan-geshan waxaa uu galayaa Imtixnaa si uu u helo diiwaan-gelin buuxda.
  3. Diiwaan-gelin Takhasusle: waxaa xaq u leh qof kasta oo heysta shahaadada heerka 1aad, in qofka mudan yahay una qalmo diiwaan-gelinta iyo arrimo kale.

Diiwaan-gelinta mihnadleyaasha shisheeye:  Mihnadleha caafimaad ee shisheeye oo doonaya in uu is-diiwaangeliyo waa inuu: Heystaa degananshiyo sharci ah ee Soomaaliya, Heystaa shahaado Jaamacadeed oo la aqoonsan yahay, ka gudbaa imtixaan loogu talo-galay, soo buuxiyaa shuruudaha kale ee ku cad foorma diiwaan-gelinta.

Mihnadlaha caafimaad ee shisheeye waxaa uu helayaa diiwaan-gelin KMG ah iyo Diiwaan-gelin xadidan, waa 12 bil oo la cusbooneysiin karo.

Xad-gudubka Mihnadda Caafimaad: waxaad galeysaa xad-gudub haddii: Beddelo ama tirtiro macluumaad ku qoran shahaadada diiwaangelinta ama nuqul shahaado kale uu bixiyay golaha, Been-abuur ama adeegsasho mansab hawl caafimaad oo diiwaangeshan, howlgelin xarun aanu golaha ogolaashiyi-siinin, lagu helo musuq, siin shahaado qof aan imtixaan ku guuleysan, Been-abuur shahaado diiwaan-gelin, ka shaqeyn mihnad caafimaad oo loo heysan rukhsad, fuliyo adeeg caafimaad oo dhaafsan heerka loo xadiday, bixiyo adeeg caafimaad sida barista, daweynta, qaliinka iyo waxyeello u geysta bukaanka, faafiyo xog bukaan ayada aysan jirin wax qasbaya, dayaco bukaan ama uga faa’ideysa danahiisa gaarka ah iyo in uu xurmeyn-waayo habraaca daweynta, anshaxa iyo xushmada mihnadda caafimaadka.

Diiwaan-gelin Xarun Caafimaad: Waa in codsi loo gudbiyo golaha, diiwaan-gelinta kadib waxaa xarun sharci ah, waa la diiwaan-gelinayaa farmashiyada gaarka ah iyi xurumaha baarista ee gaarka loo leeyahay, waxaa la cusbooneysiinayaa labadii sanaba mar,

Rukhsad Mihnadle Caafimaad  Joojin: Qofka ma howlgeli karo isaga oo aan heysan rukhsadda golaha, qofkii ku xad-gudba waxaa la ganaaxayaa US$2,000 ama xabsi ama hal sano.

Codsi Rukhsad: Qofka waa in uu codsadaa rukhsad howl-qabad si waafaqsan hannaanka degsan ee la xiriira daweynta guud, ma codsan karo isaga oo aan is-diwaangelin, Diiwaan-gelinta kadib golaha waa cusbooneysiin karaa ama waa diidi karaa.

Muujin: Qofka la siiyo rukhsad waa in uu dhigaa ama ku muujiyaa meel laga arki karo.

Baaris iyo Xiritaan Rug Caafimaad: Rugaha caafimaad waxaa baaraya Khubaro  aqoon u leh shaqadan, waana la xirayaa haddii ay ku xad-gudbaan shuruudaha rukhsadda, adeeg ay bixiyeen in dad waxyeello ku soo gaartay ama in xarunta jabiso xeerka ama shuruucda.

Ansixin Waxbarasho Caafimaad: Xarunta waa in ay golaha hor-dhigtaa barnaamijkeeda waxbrasho, xarun waxbarasho ma bixin karto tababar ama xirfad caafimaad haddii aan la ansixin barnaamijkeeda waxbarasho, xaruntii ku xad-gudbta waxaa la ganaaxayaa US$2,000 ama xabsi hal sono ama labada.

Shahaadooyin waxbarashada Ee Shisheeye, golaha waxaa uu tixgelinayaa: in lagu bixiyay Af-ingiriis ama Af-carabi, in tasdiiqin ka wato wasaaradda tacliinta sare iyo arrimaha dibadda, tasdiiqinta ama shaabadda safaaradda Soomaaliya u fadhisa dalka shahaadada bixisay, Tasdiiqin ay bixisay wasaaradda hidaha iyo tacllinta sare.

Aqoonsiga Ururada Mihnadleyaasha Caafimaad: Xeerkan waxaa uu aqoonsan yahay dhammaan ururada mihnadleyaasha caafimaad ee kala duwan oo ay leeyihiin mihnadleyaasha caafimaadka, Xubanaha ururka aysan ka yareyn 11 xubnood, leeyahay dastuur, nuqulka dastuurka uu u soo gudbiyo golaha iyo in shahaadooyinka xubnaha ururka ay si toos ah ula xiriiraan mihnadda ururka caafimaadka ay ka midka yihiin.

Xayeysiin: Lama xayeysiin karo Been, dhagar, Bixin hadiyad, cadeymo loogu gol leeyahay marin-habaabin, abuuraya rajooyin dhalanteed ah, kala saarid la’aanta baarista iyo daweynta..Haddii xad-gudubkaasi la helo waxaa xarunta lagu ganaaxayaa: haddii uu shakhi yahay: US$1,000, Haddii xarun caafimaad tahay: US$2,000

Qofna ma  shaqaaleysiin karo qof aan loo diiwaangelin minhadda haddii uu ku xad-gudbo waxaa la ganaaxayaa:  Shakhsi: US$1500 ama Hey’ad: US$2,000

Xakameynta Mansabka: qofka Mansabta mihnadda si xun u adeegsada waxaa la ganaaxayaa: Shakhsi: US$1,500 ama Hey’ad: US$3,000

Hindise Sharciyeedka golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka waxaa uu sugayaa doodda golaha shacabka, kadib waxaa uu u gudbi doonaa aqalka sare iyo saxiixa madaxweynaha si kadib loogu soo daabaco faafinta rasmiga ah.

Qoraalkan Waxaa Iska Leh Goobjoog News, Xigasho La’aan Lama Qaadan Karo.