U bood dhigaalka

Akhriso: Iran iyo Kor u Kac Ku Yimid Badeecooyin Ay Ka iibiso Soomaaliya Iyo Dalal Kale

Sheeko:Dalka

Agaasimaha rugta ganacsiga iran ee Trade Promotion Organization (TPO)  ee arrimaha Afrika iyo Carabta ayaa sheegay in waxyaabaha ay Iran u soo dhoofisay qaaradda Afrika ee  March 21 to September 22  ay kor u kaceen sanadkan 17% marka la barbardhigo sanadkii hore.

Farzad Piltan ayaa intaasi ku daray in waxyaabaha ay Iran dhoofiso sida Naftada iyo waxa aan naftada aheyn ay u dhoofiso dalal ay ka mid yihiin: Egypt, Kenya, Sudan, South Africa, Tunisia, Morocco, Mozambique, Tanzania, Djibouti iyo  Somalia, iyada oo ka hesha lix bil kasta lacag dhan  $397 million.

Qiimaha waxyaabaha loo soo dhoofiyey Afrika ee sanadkii tagay waxaa lagu qiyaasay ilaa $752 million waxaa jirtay siyaado dhan $142 million oo ah sanadkii ka horeeyey.

Waxyaabaha ay Iran u soo dhoofiso Afrika waxaa ka mid ah: birta, shubka, gaaska, shamiitada, biscuits, Shukulaatada, saliidda matoorka iyo kuwoo kale.

Goobjoog News