U bood dhigaalka

Akhriso: Jawaabo Ay Golaha Shacabka Siiyeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga

Sheeko:Amniga

Golaha shacabka waxaa uu maanta Ajendihiisu ahaa Su’aal oraaheed ku abaaran Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dalka Mudane Xasan Maxamed Cali “Amardambe”.iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka Odawaa Yuusuf Raage.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda golaha ayaa su’aalo ku saabsan arrimaha Ciidamada weydiiyay Wasiirka oo isaga Oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka si toos ah uga jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiinayeen.

Ugu horeyn wasiirka wasaaradda Gaashaandhig Xasan Maxamed Cali “Amardambe”, ayaa ka jawaabay cabasho golaha shacabka ay ka keeneen kordhinta Koontaroolada iyo ilaaladooda laga reebo xarunta Baarlamaanka iyo Villa Soomaalia waxaana uu yiri” Waxaan rabaa inaan idiin la wadaago waxaa keenay arrintii xanuunka badneyd dowladnimada sharafka iyo karaamada aan ku fiicneen ee ka dhacday SYL, ilaah ayaa mahad leh arrintaas dhacday aad ayuu u soo laab laabtay sida aad la socotaan dhacdadaan tii ka horeysay waxaa meesha ku geeriyooday xilhibaannada askartii waardiyeeynaysay qaar ka mid ah ayaa meesha ku geeriyooday, nasiib wanaag dhacdadaas markii ay dhacaysay Baarlamaanku majirin haddii uu jiri lahaa waa ka sii badnaan laheyd”.

Wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri” Albaabka laga soo galo waxaa imaado askar ka tiro badan 100 qof oo ilaalada xildhibaannada ah kuwaas oo aan is garaneyn qaar Booliiska ka socdo, qaar Nabad sugida ka socdo, qaarna ka socdaan ciidanka xoogga dalka maadaama dhacdadaas dhacday waxaan ku guda jirnay in la baaro sababtii arrintaas meesha uga dhacday waan ka xunnahay xildhibaanka gudbaayo waa inuu si sareexa leh uu ku gudbo askariga iyo nidaamka aan heysano waad la socotaan.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda difaaca dalka ayaa waxaa wax laga weydiiyey wasaaradiisu waxaa ay ka ogtahay u jeedada loo geeyey ciidamada Gorgor ee la geeyay  magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.  iyo  xoogaga wadaniyiinta dadka loo yaqaano waxa waxaana uu yiri ” Ciidamada Gorgor waxaa ay ka tirsan yihiin ciidama xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana ay ka howl gali karaan dhammaan gayiga Soomaaliyeed waajibaadka ay leeyihiin aya aku cad in ay ilaaliyaan uduudaha iyo meelihii kale oo loo baahdo i loo adeegsan karo, waxaad la socotaan inaan shaqo adag galinay in ciidamadaSoomaaliyeed diiwaan gelin lagu sameeyo qeybihiisa kala duwan si aan u helno ciidan tayeeysan”

Dhinaca kale wasiirka oo sii hadlaayo ayaa yiri” Aniga xoogag wadaniyiiin aniga wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ayaan ahay meel ay iigu qoran yihiin aan ku xukumo ama aan kaga hadli karo ma garanaayo”.

Dhanka kale Taliye Odawa Yuusuf Raage oo ka jawaabayey su’aal aheyd maxaa hakadka galiyey howlgalkii ciidanka xoogga dalka ayaa yiri” Ciidamadu howlgalladooda waxaa ay ku salaysan yihiin marxaladda markaas taagan, gobalada Shabeellooyinka iyo qeybo ka mid ah Jubbooyinka waa dhul carro madoow ah waxaana lagu jiraa xili roobaadkii, howlgalladeenii socday waxaa hakad geliyey cimilada lagu jiro”

Ugu danbeyn Taliye Odawaa ayaa ka jawaabay su’aal aheyd waxa uu xoogga dalka uu ka damacsan yahay askarta loo yaqaano Macawisleyda waxaana uu yiri ” Nimanka loo yaqaano Macawislayda oo meelaha kala duwan ku sugan waa ay la dagaalamaan cadawga waa fursado ubaahan in laga faa’ideysto qaarkood waa laga faa’ideystay qaana waa lagu socdaa, sida aad la socotaan gobolo badan ayaa ciidankaas laga soo diiwaan geliyey oo lagu soo daray xaalada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed”

Goobjoog News