U bood dhigaalka

Akhriso Jawaabta: Ma Dhici Kartaa Doorasho Qof iyo Cod Ah 2020/2021?

Sheeko:Dalka

Iyada oo dalku uu ka jiro Covid 19, baarlamaanka federaalka ah oo fasax tahay ayaa hadana waxaa dhow doorashada 2020/2021 oo ay aheyd in xilliga ay meel fiican mareyso. Haddaba Goobjoog News ayaa arrintaas kala hadashay Prof Afyare Cabdi Cilmi, Cabdinuur Daahir, Faysal Cabdi Rooble iyo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim. 

Ugu horreyn, Prof Afyare Cabdi Cilmi oo barre ka ah jaamacadda Qadar islamarkaan wareysi siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo in kale waxa uuna carabka ku adkeeyay in dalka kaliya ay ka dhici karto doorasho qabyo ah.

Afyare oo sii hadlay ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn doorasho qof iyo cod ah taas oo ka dhacdo gees ka gees Soomaaliya isaga oo yiri “Doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda gees ka gees ma u maleynaayo inay taas hadda jirto,  sababtana wax kale maa ahane dowlad hadda dalka dhan gacanta ku haysa maba joogtaba haddiiba ay wax dhacayaan waa inay dhacaan wax qabyo ah”.

Dhanka kale Prof Afyare ayaa tilmaamay in haddii dhamaadka sanadkan ay dowladdu keeni weyso xildhibaanno cusub in iyada uun laga doonayo in sameyso hab lagu heli karo doorasho maadaama dadka oo dhan ay wada sugaan doorasho waqtigeeda ku dhacda  isaga oo yiri“Hadda dhibaatooyin badanaa jiray saas oo ay tahay dowladu ayaa isbadalayay horaa loo soconaayay haddii rabitaan jiro oo madaxdu ay ka go’an tahay way sameyn karaan wax uun way sameyn karaan waxaasi waa inay iyagu ka heshiiyaan” .

Sidoo kale Afyare Cabdi mar aan wax ka weydiinay in dowladda haatan ay ku dhaqaaqi karto muddo kororsi ayaa ku jawaabay”Walaahi anigu hadda muddo kororsigu sida uu ku iman karo ma aqaano labo wadduu ku yimaadaa sharciga inuu ogolyahay iyo in siyaasad ahaan looga heshiiyo laakiin qodob aan ogahay oo ay cuskankaraan iima muuqdo, laakiin waxaan kaloon ognahay waayahaan dambe oo dhan waxa inta si ula kac ah dib loogu dhigo oo la lug jiido ayaa marka saddexda bilood ee dambe la eryaa oo la rashgareeyaa laga yaabee inay taas hadda isleeyihiin taas ayaan yeelaynaa waana inay isku yimaadaan saamileyda siyaasadda dalka si ay go’aan uga gaaraan waqti intee la eg ayaa lagu dari karaa” ayuu yiri.

Dhankiisa, Cabdinuur Daahir oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ka tirsan machadka talefeshinka qaranka Turkiga ee loo yaqaan TRT oo isagoo ku sugan magaalada Istanbul oo u warramay Goobjoog News ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sababo jira aawadood aysan dalka ka qabsoomi Karin doorasho qof iyo cod ah.

Falanqeeye Cabdinuur ayaa sababaha ku hor gudban doorasho qof iyo cod ah waxa uu soo qaatay in haatan aysan muuqan hididiilo ku aaddan in dowladdu u diyaar garowdo doorashadaasi, in amniga guud ee dalka aysan gacanta ku hayn iyo in Soomaaliland ay meesha ka maqantahay sababahaasi oo diidaya inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

 “Uma muuqato inay hididiilo jirto dadaal in la bixiyay dowladdu waxay ku dhawaaqday sharciga  hal qof iyo hal cod  hase ahaayee sababaha amni oo jira dartii  oo waddanki oon gacanta ugu jirin dowladdii Soomaaliland oo kale oo aan doorasho ka dhici Karin intaas oo dhan hadda waxaa ka sii daran cudur COVID-19 oo dadkii fara ba’an ku haya, cudurkaas inay la tacaasho oo ay hadda dowladii ku mashquulsantahay mana ka dhici karto doorashadaas” ayuu yiri Cabdinuur Daahir.

Dhanka kale Cabdinuur ayaa shegay in dastuurka dalka uu qabo in doorashooyinka qaranka dib loo dhigi karo haddii ay dhacaan musiibooyin “Dastuurka xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah waxa uu dhigayaa in haddii musiibooyin qaran ay imaadeen in doorashooyinka ama shaqooyinka mudnaanta u leh in dib loo dhigi karo”.

“Soomaaliya doorashadeeda dadka saameynta ku leh ama taageeraya beesha caalamka aa ka mid ah oo lacagta doorashada lagu sameeya dhiiba waxaa sidoo kale ka mid ah ciidanka AMISOM labadoodiba waxa ay ku mashquulsanyihiin inay iska difaacaan cudurka Coronavirus marka waxaan isleeyahay haddii ay dhacdo in Coronavirus sadexda ama afarta bil ee soo socota laga guuleysto waa laga yabaa in doorashadu  laba ama saddex bil  dib ha u dhacdee inay dhacdo laakiin haddii caalamka ay ku qaadato 5 bilood Soomaaliyana ay ku qaadato 10 bilood in doorashadu hal sanno dib u dhacayso ayey ila tahay” ayuu sii raaciyay Cabdinuur Daahir.

Falanqeeyahan ayaa sidoo kale sheegay in xitaa Soomaaliya haddii uu waqtigaan ka dhamaado Coronavirus ay marwalba doorashadu waqtigeeda kadaba marayso isaga oo yiri “Anigu waxaan qabaa oo aan isleeyahay marwalba doorashaan Soomaaliya dib waa u dhacaysaa xilliga loogu tala galay ma qabsamayso Corona dhan haddii xitaa Soomaaliya laga waayo ma suurta galaeyso in bisha December ee soo aaddan baarlamaanka dalka lagu soo doorto hal qof iyo hal cod”.

Waxaa sidoo kale, doorashada 2020/2021 Goobjoog News kala hadlay ka mid ah, aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo ah khabiir ka faalooda arrimaha geeska Afrika isaga oo yiri “Aad baa loogu baahanyahay inay isku yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kala duwan meel kaliyana looga wada taliyo, madaxweyne Farmaajo oo dalka ugu sareeya iyo ra’isulwasaarihiisa inay geed gaaban iyo mid dheer ha u fuulaan sidii xurgufta dhextaal loo laali lahaa xataa haddey noqoto lixda bilood ee soo socoto, dan uma ahan madaxtooyada Villa Soomaaliya inay si laab la kac ah ula dhaqaaqdo muddo kororsi dadka iyo dalka oo dhan dan baa ugu jirta iyo maamul goboleedyada bal inta aan lagu dhawaaqin in lakala warqaato” .

Xaliimo Ismaaciil Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in guddiga ay shaqo wadaan, oo haddii lagu dhaqaaqo in doorasho la qabto ay awoodaan.

Mar aan weydiiney sida Covid 19 u saameyn karo shaqadooda waxa ay tiri “ Waan ku faraxsanahay, dadkana ay aad uga welwelaan, waddankan waxaa uu soo maray dhibaatooyin badan, waxaa uu soo maray xuquuq la’aan, dimoqoraadiyad la’aan, isdardar iyo is dilid, waxaanna hiigsaneynaa adduunka sida uu u socdo, kama duninin, oo dad banii’aad ayaan nahay, xoolo ma nihin, maskax ayaa ilaah na siiyey, dadku waa fekerayaan oo dunida wax fiican ayaa ka socdo.., waxaa lagu wada fekeraa in aan noqonno kuwa wax fiican hiigsada, doorasho wax caan ah, oo adduunyada oo dhan ka dhacda, oo qofkii, hey’addii ama dadkii la rabay in dalkaan maamulaan, in la doorto, oo raali laga yahay, shacabkeena middaas ayey sugayaan, xuquuq ka maqan waayey 50 sano. Covid dunida ayaa la mid nahay, waan ka tabar yahay, oo 30 sano ku dhawaad dagaal ku jiray ama soo kabanaayo, hadana la isma dhiganaayo, oo wixii la qaban karo ayaa la qabanaa, oo sida adduunka u saameeyo ayuu noo saameyn doonaa”.

Guddiga baarlamaanka u saaray habraacyada waxay ka tiri” Waajibka saaran waxaa waayey, afta qeybood ee ahaan magaalada Muqdisho maxaa laga yeelayaa? Haweenka side loo ilaalinaa 30%, Somaliland xagee doorashadeeda laga qaban doonaa iyo kuraasta xagee la kala geynaa golaha shacabka”.

Ma dhaceysaa doorasho qof iyo cod ah sanadkan waxaa ay ka tiri “Doorasho qof iyo cod ah wey dhaceysaa haddii umadda Soomaaliyeed ay u soo diyaar garoobaan, guddi ahaan innaga diyaar ayaan u nahay iney dhacdo doorasho”

Ugu dameyntii waxaa ay Xaliimo Ismaaciil guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ay sheegtay in May 27 hotgati doonaan Baarlamaanka iyaga oo wada go’aanka la xiriira dhicista doorashada ee waqtigeeda.

Goobjoog News