U bood dhigaalka

Akhriso: Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac Ee Qaraxa Godka Jilicow

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo goordhaw ka dhacay bar kontorool, afaafka hore ee godka Jilicow ee degmada Boondheere.

Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ka mid ah Faay Cali Raage, oo ahayd sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo seygeeda oo asna ka tirsanaa ciidamada.

Waxaa kale oo dadka dhintay ka mid ah askari ka tirsanaa ilaalada Xildhibaan Maryam Cariif, iyaga oo sidoo kale uu xildhibaan kale oo golaha shacabka ah soo gaaray dhaawac fudud.

Dhankeeda hey’adda gargaarka  Aamin Ambulance ayaa sheegtay 10 dhaawac ah, oo ay ku jiraan 2 haween iyo cunug yar.

Goobjoog News