U bood dhigaalka

Akhriso: Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Qaraxii Zoobe

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow oo habeenkii xalay ahaa saxaafadda kula hadlay isgoyskaasi ayaa sheegay in qaraxan uu guud ahaan waxyeeleeyay 642 qof.

Dhimashada ayuu wasiirka ku sheegay iney gaartay 358, halka dhaawaca uu yahay 228 qof.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in nolol iyo geeri lagu la yahay 56 qof, dhaawacyada dibadda loo qaadayna ay gaarayaan 122 ruux.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ee guryahooda lagu celiyey ay tiro ahaan gaarayaan 99 qof.

Marka laga soot ago khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxii Zoobe ayaanay dowladda federaalka weli wax ka sheegin khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay qaraxaasi.

Goobjoog News