U bood dhigaalka

Akhriso: Khubadda iyo Barnaamijka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish

Sheeko:Dalka, War

Si isla xisaabtan u yimaado, isla markaana mas’uulka Soomaaliyeed u ogaado in loo diwaangeliyey ballamihiisa, waxna laga weydiin-doono, Goobjoog News sida caadada ah waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa khubaddii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ka jeediyey xafladdii uu xilka kula wareegayey.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso: Khudbadda Cumar Filish oo Dhameystiran.

Bismillaah, mas’uuliyiinta kala duwan caawa nagala soo qeyb gashaymunaasabddaan  xil la wareegidda ah ee uu u horeeyo guddoomiye ku-xigeenka Aqalka sare mudane Mowliid, ee  madaxda kala duwan ee goleyaasha baarlamaannada heer federaala iyo heer dowlad gobaleed, goleyaasha heer qaran, heer gobol iyo heer Baarlamaan, dhammaan ka soo qeyb galayaasha oo ay ka mid yihiin, madaxdii iiga horeysay ee gobalka Banaadir,  intii dalka joogtay, duubabka, gabdhaha, madaxda ciidamada iyo dhammaan mas’uuliyiinta kala gadisan ee la midka ah ee aan ka gaari waayay inaan halkaan ku xuso, dhammaantiin wasalaama caleykum waraxma tullaahi wabarakaatuhu.

Ee, Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan marka hore fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan u tacsiyeeyo dadkii kugee  ku geeriyoodey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday xarunta gobalka Banaadir,  oo ugu horeeyo guddoomiyihii hore ee gobalka Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Injineer Yariisoow, waxaana leeyahay Illaahey ha-u-naxariisto dhammaanteenna sammir iyo imaan hanaga siiyo, waxaan idiinka codsanayaa inaan hal daqiiqo wada istaagno, faataxada u marno in illlaahey raxmaddiisa siiyo.  Sidoo kale, waxaan idiinka codsanayaa in dhammaanteen aan allaah caafimaad uga barino walaalaheennii ku dhaawacmay falkaas foosha xun.

Midda kale, waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo howl wadeennadii soo abaabulay munaasabaddan oo uu ugu horeeyo ku simaha guddoomiyaha gobalkaiyo iyo mas’uuliyiinta kale ee gobalka , mudanayaal iyo marwooyin, waxaan sidoo kale fursaddan uga faa’iideysana inaan u mahad celiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo  Raii’salwasaaraha Xukuumadda mudane Xasan Cali Kheyre, oo ii gartay, oo ii gartay inaan qabto xilkaan culus, oo muhiimad weyn u leh dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dad weynaha ku dhaqan gobalka Banaadir, waxaana Illaahey ka baryayaa inuu iga dhigo mid guta waajibaadka shaqo ee loo idmaday.

Mudanayaal iyo marwooyin, sida aad ogtihiin waxaa na sugaya ma’uuliyad ballaaran oo xasaasi ah guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan shacabka gobalka Banaadirba il-gaar ah nagu eegayaan, mudanayaal  iyo marwooyin, waxaan hortiinna ka cadeynayaa, inaan ku dadaali doono in aan horay u siiwado, horay u siiwadno aan I raahdo, shaqooyinkii wanaagsanaa ee uu waday walaalkeen Injineer Cabdiraxmaan Yariisoow  iyo guud ahaan howlihii ay bilaabeen maamulladii is xig xigay ee gobalka soo maray, aniga oo uga mahad celinay qof walba kaalintii uu ka soo qaatay hormarka uu gobalku gaaray.

Barnaamijka lixda bilood, waa amniga caasimadda. Amniga caasimadda (ayaad Qur’aan ah,)mudanayaal iyo marwooyin,  maamulka ee maamulka ee iyo dhammaan howl wadeennada gobalku waxaa ay ahmid gaar ah siin doonaan inaan laamaha amniga heer gobal iyo mid dowlad dhexeba kala shaqeynno sidii magaalada Muqdisho u noqon la heyd mid amnigeeda la isku haleyn karo, shacabkeenuna u helaan, amniga iyo nabadda ay xaqqa u leeyihiin oo ah mas’uuliyadaha ugu waaweyn oo shacabku naga filayaan, waxaan aaminsan nahay sugiddiisu iney tahay shaqo noowadataal shacab iyo dowladba, waxaana ku kalsoon nahay haddii aan is kaashanno inaan ka adkaan doonno cadawga, waa inaan dhammaanteen aanan sugin cadawgu inuu malin walba laayo dadkii indhaha bulshada ahaa, hase ahaatee taas badalkeeda waa inaan qaadanaa, talaabo kasto aan uga hortageyno waxyeeladooda, waxaan hortiina ka balan qaadayaa in aan  intii karaankeena ah xoogga saari doonno amnigu inuu noqdo shaqo maalmeedka ugu muhiimsan oomaamulkeenu kala shaqeyn doono laama amniga, waxaan si dagdag ah u furi doonaa jidadka kala xiran ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan waliba aan adkeyn doonno ammaanka dad weynaha iyo goobaha ganacsiga.

Bilicda Caasimadda  (Xadiis),  walaalayaal sida aad ogtihiin nadaafadda iyo bilicda magaalo ay umadi ku nooshahay waxaa ay ka mid tahay qiimaha dadnimo ee umaddaas, waxaa ayna kaalin muhiim ah  ka qaadataa caafimadka iyo quruxda nolosha, sidaas darteed ayuu Rasuulku SCW waxaa uu nadaafadda ku tilmaamay Imaanka barkiis, sidoo kale haddaanan nadaafadda iyo bilicda magaalada si weyn wax uga badalin caasimaddeenu m anoqon karto mid la tartanta caasimadaha adduunka ee aan higsaneyno inaan la mid noqono, sidaa darteed waxaan xil gaar ah is ka saareynaa inaan la inaan labalaabno dadaalkii horay u socday ee lagu soo celinayey  muuqaalka Caasimadda,  waxaan arrinkaas ku darsan doonaa qorshe maalmeedka gobalka, sidoo kale waxaan dowladda iyo shacabka ugu baaqeynaa aniga iyo asxaabteyda intii la awoodo in qorshaha lagu daro dib u dhiska dhismayaasha burburay oo wax weyn u dhimay bilicda iyo quruxda magaalada, waxaan dayactir iyo dhismo aan ku sameyn doonnaa bulaacadaha qaada biyaha si loo baabi’iyo dhiiqada ka dhalata roobabka iyo nadaafad darrada u horseedi karta cudura dilaaca.

Adeega dadweynaha  (ayaad Qur’aan ah) in kastoo awooda dhaqaale ee gobalka ay xadidan tahay haddan waxaan dareensan nahay in maamulka gobalka mas’uuliyad ka saran tahay in dadweynaha gobalka Banaadir gaarsiiyo adeega iyo baahiyaha aas aasiga ah sida waxbarashada , caafimaadka, biyaha, korantada iyo adeegyada kale uu bixiyo, waxaan cid kasta oo naga caawin karta la kaashaneynaa sara u qaadidda adeegga iyo baahi tirka shacabku naga, naga sugayo, waxaan ku dadaali doonnaa  inaan dhammaan degmooyinka gobalka gaarsiinno heer ay bixin karaan adeegga looga baahan yahay iyo danaha joogtada ah ee gobalka uga xiran bulshada, taasoo mararka qaar ay dadku meelo fogfog uga yimaadan, waxaana shacabka gobalka Banaadir ka codsaneynaa in ay naga shaqeeyaan oo waajibka saaran gutaan si aan u gudanno ma’uuliyadda ay nooga fadhiyaan.

Mashaariicda Horumarinta  (Xadiis), Walaalayaal waxaad la socotaan in gobalka ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo wax weyn ka badalaya muuqaalka iyo hormarka caasimadda, sida dib udhiska wadooyinka iyo xarumaha adeegga dad weynaha, sidaa darteed waxaan siiwadi doonnaa dhameystirka mashaariicdii horay u socotay waxaan abuuri doonnaa mashaariic kale oo horumarinneed, annaga oo gacan siindonna,  soona dhowey doonna cid kasta oo nagala qeyb qaadaneysa horumarinta iyo dib u dhiska caasimadda, waxaan  magaalada Muqdisho xaafadaheeda ka hirgelin doonnaa waddooyin isugu jira Laami iyo Jaay si uu u sahlanaado is ku socodka magaalada  ee dad weynaha iyo gaadiidka.

Cadaaladda ama Garsoorka  (ayaad Qur’aan ah), Walaalayaal sida aad ogtihiin dhibaatada Soomaaliya in badan arrimaha loo tiiriyo in ay qeyb ka tahay waxaa ka mid ah cadaalad darrada, cadaalad darrada dhexdeenna ka dhacda, cadaaladdu waa sheyga kaliya ee umad u horseeda in ay nabad iyo is jeceyl kuwada noolaadaan. Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda qaranka Soomaaliyeed iyo magaalo umadda Soomaaliyeed kuwada nool yihiin waxay mar kale ku soo ceshan kartaa magacii iyo maamuuskii lagu yaqaanay in qof kasta oo Soomaali ah helo cadaaladda uu xaqqa u leeyahay, waxaan hortiinna caawa ka caddeynayaa intaan madax ka ahay magaaladaan inaan aqbali doonin intii awoodeyda ah in cadaalad darro iyo dulmi qof Soomaali ah lagula kaco, in qof Soomaali ah oo mawaadin ah, oo muslim ah uu qof kale oo Soomaali ah si bareer ah hanitidiisa u haysto,  nuucey doonto ha ahaatee, ma aqbali doonno, dhibaatooyinka iyo khilaafyada dhulka waxay magaalada caasimadda Muqdisho ku hayaan amni darro iyo sumcad xumo, waxaan aaminsan nahay haddii cadaaladda laga shaqeeyo iney yaraanayaan khilaafyada hantida la is ku heysto, sidaa darteed, waxaan hey’adaha Garsoorka ugu baaqayaa in ay ku dadaalaan in mawaadiniita si cadaalad ah wax ugu kala xukumaan, sidoo kale hey’adaha sharci fulinta waxaa laga rabaa in ay kaalintooda ka qaataan hirgelinta cadaaladda.

Muumul wanaagga  (Xadiis ), Mudanayaal iyo marwooyin maamulku waxaa uu ku saleysnaan doonaa mabaadii’da maamul wanaagga, annaga oo la dagaalami doonna muuqaalada kala duwan ee musuqmaasuqa, waxaa kale oo maamulka gobalka banaadir ku saleysnaan doonaa daah furnaan,  la xisaabtan iyo hufnaan.

Gabangabo, Ugu danbeytii waxaan halkaan uga codsanayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya, dhammaan dad weynaha  ku dhaqan gobalka Banaadir, howl wadeennada iyo dhammaan shaqaalaha gobalka Banaadir inaan is ka kaashanno sidii aan u dardargelin laheyn howlaha na hor yaala, sidoo kale shacabka gobalka Banaadir iyo dhammaan Soomaaliyeed ugu baaqayaa in laga wada qeyb qaato dib u- xoreynta iyo xasilinta dalka lana garab istaago dhammaan ciidamada kala duwan ee dalka,  oo wada dadaal ay cadawka dalka uga cirib tirayaan, wabilaahu toowfiiq wasaalama caleykum  waraxma tullaahi wa barakaatuhu.

Goobjoog News

W/ Q Dalmar Cabdulqaadir Daacad