U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbadaha Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Xafladda Caleemo saarka madaxweynaha Galmudug waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit oo  xafladda ka hadlay waxaa uu sheegay in Muqdisho in Galmudug oo isku dhaw uu diyaarad soo raacay iyada oo wax kale uu ku iman karay, waxaa uu soo jeediyay  in wadada la furo si la iskugu socdo, oo badda isu maro.

Mar uu ka halayey Galmudug waxaa uu sheegay “waa halkii ay ka bilaabatay doorashada oo waxaa lagu doortay senatorkii ugu horreeyay Abshir Bukhaari….waxaa uu kula taliyay dib u heshiisnta iyo  la dagaalanka burcad badeedda, waxaa uu ugu dambeyntii marti-qaad u fidiyay madaxweynaha Galmudug Xaaf in uu Muqdisho soo booqdo.

Cali Cabdulahi Guud Laawe oo ah madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle waxaa uu sheegay in nabad galyada ay muhiim tahay, waxaa uu wax badan ka hadlay sida ay u dhibaateysan yihiin dadka go’doosan ee ku nool meelaha ay hestaan Al-shabaab, waxaa uu soo jeediyay in in jidadka la furo si dadka u helaan adeegyada ay dadka u baahan yihiin.

Waxaa uu ka hadlay oo kale maqaamka magaalada Muqdisho in uu meel fiican marayo isaga oo madaxweynaha Soomaaliya ku dhiirigeliyay in uu dhameystiro.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Sharif Xasan waxaa uu Xaaf ku sheegay in dhibaatada dad heysta ka war qaba  oo dadkiisa yaqaanaan isaga oo ballan-qaaday in uu la shaqeyn doono

Mar uu ka hadlayey nabad-galyada waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada ay ku jiraan  xabsi kor ka furan, waxaa kale uu sheegay in 4tii sano ee hore a la dhisaayey maamul goboleedyo oo hadda loo soo jeesto 4tan sano dhismaha ciidanka.

Ugu dameyntii, waxaa uu Galmudug iyo Puntland kula taliyay in ay sii hoose uga wada hadlaan wixii dhib ah ee jira oo maamullada ay noqdaan kuwa wanaag soo kordhiyo.

Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbland waxaa uu sheegay madaxweynaha Galmudug looga fadhiyo in uu xaliyo khilaafaadka iyo in uu keeno walaalaha Dhuusamareeb isaga oo wax weyn ku tilmaamay  in Puntland iyo Galmudug hoolka wada fadhiyaan.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in markii hore gobonnimada ka bilaaban jirtay Mudug laakin hadda  Geel booli ah ayey isku laayeen.

Arrinta Galkacyo mar uu ka hadlay Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in labada dhinac ka dhaxeyso wax badan loona baahan yahay in ay wada hadlaan.

Dowladda federaalka ah waxaa uu u sheegay in ay wax ka qabato baahida maamul goboleedyada isaga oo ku eedeeyay in indhaheeda arkaan oo keliya Muqdisho “indhahooda Xamar ayey u joogaan..ciidan, shaqaale iyo baarlamaank waa Muqdisho….bal madaxda ha badiso safarrada State-yada…dalka ha isu furnaado” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa.

Madaxweynaha Galmudug waxaa uu kula taliyay in uu joogo Cadaado “Cadaado joogitaan ayey kaa rabtaa, …deyn hore oo badan ayaa laga qabay” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa

Mr. Madoobe Waxaa uu soo jeediyay in magaalooyinka la isu furo oo Galkacyo Lug lagu tago oo la soo dhaweeyo nabadda

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas waxaa uu u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf, Waxaa uu sheegay Galmudug iyo Puntland uu ka dhaxeeyo Dhalasho Daaqsin, ganacs isaga soo jeediyay in colaadda la joojiyo, tubta nabadda la qaado , xuduudaha la ixtiraamo…ku wada noolaasho nolol.

Mr. Gaas waxaa uu ku dheeraaday nabadda iyo ahmiyadeeda , isaga oo sheegay in dowladda ay kala shaqeyso nabadda gaar ahaa gobollada dhexe waxaa uu leeyahay waxaa ay u baahan yihiin nabad

Waxaa uu madaxweynaha Puntland ugu dambeyn soo jeediyay in la helo Soomaaliya oo Xor ah, federal, dimqoraa, karaamo iyo sharaf badan, oo nabad ah oo is amaan geliso oo nabad kula nool dariskeeda.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf Waxaa uu ka hadlay in uu sameyn doono dib u heshiisiin, weliba  gudaha Galmudug iyo daafaheeda uu xal u helayo.

Ahlu Sunna waxaa uu sheegay in ay culimadooda, isaga oo ilaahey ka baryay in uu keeno, waxaa uu sidoo kale dowladda iyo beesha caalamka ugu baaqay in ay caawimaad la soo gaaraan dadka dhibaateysan

Mr. Xaaf Waxaa uu dowladda ka codsaday in laga caawiyo dhismaha maxaabiis, si cadaaladda maamulkaas loo horumariyo, waxaa uu sheegayaa in gobolkaas dhib ku hayaan burcad badeed iyo Shabaab

Ugu dambeyntii waxaa uu dowladda ku wargeliyay dad Soomaali ah oo ku xiran Hindiya isaga oo ballan-qaaday in siyaasad ahaan ay dowladda dhameyso isaga uu diyaarad u diri doono si loo soo qaado.

 

Goobjoog News