U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbadda Uu Golaha Shacabka Ka Jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Djibouti Xumad

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Djibouti Maxamed Cali Xumad oo maanta khudbad ka jeediyay aqalka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay socdaalka isaga iyo wafdigiisa ku joogan Soomaaliya

“Magacayga, magaca wafdiga Djibouti ee ila socda waxaad iga guddoontaan salaan ku aadan sida naloo qaabilay, naloona marti-geliyay, waxaan xoojinayaa sida aan u garab-taagannahay shacabka Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay kaas oo qalbigeenna ku weyn, nagalana dhaxeeyo xiriir walaalnimo, oo qiimo badan oo taariikhiga ah, innaga waan idiinla jirnaa si walbo oo ay tahay, waxaan ilaahey ka baryaa in uu Jamhuuriyadda Soomaaliya ka qabto wax walbo oo dhib ah, hoggaan, shacab, dal, hana daa’imyo amniga iyo xasiloonida”.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in uu halka u yimid in uu u hiilliyo shacabka Soomaaliyeed“Soomaaliya maanta waxaa ay mareysaa marxalad lagu farxo, oo rajo weyn ka qabno nabadeeda iyo hor-markeedaba, waxaan u nimid in aan shacabka Soomaaliyeed is-barbar taagno, waxaa u nimid in aan nabadda u hiillinno, waxaan u nimid midnimad iyo walaalnimo shacabka Soomaaliyeed taageerno”

Ugu Dambeyntii waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in qof walba waajib ku tahay isbar-bartaagga dadaalka dowladda iyo in la keeni karo nabad haddii loo wada kaco dhammaan.

Goobjoog News