Akhriso: Khudbadda Xasan Sheekh, Madaxweynaha 8aad ee Soomaaliya

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, isaga oo dalka ku maraya safar ujeedadiisu lagu sheegay xog-ogaalnimo iyo u kuur-gelidda xaaladda dalka.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Khudbaddiisa oo Dhameystiran:

“Dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto waan salaamayaa, si gaar ah waxaan u salaamayaa madaxda dowladda iyo golaha wasiirrada, xildhibaannnada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed, ganacsatada, ugaasyada iyo dhammaan dhalinyaradii iyo haweenka ka soo qeyb-galay soo dhoweynteeda, waan ku faraxsanahay in 18 bil ka bacdi aan ku soo noqday magaalada Muqdisho, waxaan u imid in aan dalka xog-ogaal u noqdo, amuuraha xaaladda dadka iyo dalka waxa ay ku sugan yihiin, magaalada Muqdisho keliya ma aha waxaan tagi-doonnaa gobollada haddii alle idmo, safarkeyga waxaa uu u badanyahay xog ogaalnimo, wareysi, dadka inaan kala war qaadannno, markaan intaas sameyno kadib ayaa wixii talo ah iyo ra’yi ah siyaasadeed aan ka hadli-doonnaa, laakin muhiimadda ugu weyn waxaa ay tahay inaan ogaado xaaladda uu dalka ku suganyahay, maadaama aan muddo ka maqnaa, dhinac walbo leh, dhinac siyaasadeed, dhinac dhaqaale leh, dhinac amni leh, kadibna wixii talo ah oo sida mustaqbalka loo quruxin karo ra’yigeyga iyo taladeyda siyaasadeed ayaan la iman-doonnaa, beryahan soo socdana kulammo badan iyo wada sheekeysi badan ayaan yeelan-doonnaa haddii alle yiraahdo’ marka kale waxaan u mahadcelinaa intii I soo dhoweysay inta dalka joogta iyo dibaddaba.

Imaatinkiisa ayaa aheyd bilihii la soo dhaafay  hadal-heynta magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, waxaana ay dad badani is-weydiinayaan waxa uu ku soo kordhin-doona guud ahaan siyaasadda dalka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW