U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbaddii Guddoomiye Cabdi Xaashi Ee Furitaanka Kalfadhiga 4aad Ee Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Cabdi xaashi Cabdullaahi  ayaa furitaanka kalfadhiga 4aad ee October 15-keedii waxaa uu ka jeediyey khudbad dheer, isaga oo ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Nidaamka Federaleynta, Kaalinta Aqalka Sare ee Hirgalinta Nidamka Federalka, Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka,  Shuruucda hor tabinta u leh Qaranka, Xoojinta korjoogteynta dowlada dhexe iyo dowlad gobaleedyada iyo arrimo kale.

Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa Khudbadda Guddoomiye Xaashi Oo Dhameystiran:

Halkan uma soo istaagin in aan hadlo hadal badan,  lakiin waxaan doonayaa inaan ka hadlo qodobadan soo socda:

(1). Nidaamka Federaleynta: Waa nidaam ku cusub dalka iyo gayiga Soomaliyeed, una baahan in laga baaraan dego nuuca la qaadanayo iyo sida ugu haboon ee loo hirgelin karo iyada oo aan la dhaawicin jiritanka qaranimada, haatan waxaa la joogaa meel; laga anbaqaadi karo, waxaa dhisan dowlad dhexe iyo dowlad gobaleedyo balse waxaa loo baahanyahay in dastuurka KMG ah loo dhaqan galiyo si dhaba ah ayada oo laga lagu ixtiraamayo hey’ad walbo oo hey’adaha dastuuriga ah shaqada loo igmaday si dadaalada dib u dhis dowladnimo looga wada qeyb qaato, loogana fogaado jahwareer isbarbar yaac iyo shaqooyin laysku qabsado, taana waxaan ku gaari karnaa anaga oo ku dhaqanna hirglinta inay kala madaxbanaanaadaan sedexda awoodood ee dalka fulinta, garsoorka iyo sharci dejinta ee ku cad dastuurka KMG ah qodabkiisa 55aad ilaa 114aad ee dastuurka iyo sidoo kale wada shaqeenta iyo iskaashiga labada hey’ad dowladeed ee ku cad qodabka48aad ilaa 54aad ee dastuurka KMG ah.

(2). Kaalinta Aqalka Sare ee Hirgalinta Nidamka Federalka: Dalkani waxaa uu dhowaan bilaabay tijaabo cusub oo aan horay loogu dhaqmi jirin kaasoo ah nidaamka federaalka ah, waxaan qabnaa inaan siyaasad cad ka yeelanno hirgalinta nidaamka fedeleynta dalka iyo dhameystirka dastuurka qabyada ee dalka u yaala, kaasi oo kala xadaynaya awoodaha ka jira dalka si loo helo wada shaqeen dhaba oo federalka iyo dowlada dhexdeeda ah maadaama aqalka sare loo igmaday matalaada dowlad gobaleedyada iyo federaleynta dalka aqalkuna si dhab ah uu uga war hayo nidaamka Federaleynta dalka ka socota, waxaa looga fadhiyaa dowlada dhexe iyo dowlad gobaleedyadu inay ku ixtiramaan aqalka sare kaalintiisa dastuuriga ee ku qeexan qodabka 61aad farqadihiisa koowaad iyo labaad iyo 71 ee dastuurka KMG ah.

waxaan u aragnaa in aqalka sare uu udub  dhexaad u yahay nidaamka federaleynta iyo dhammaan arrimaha u baahan wada xaajoodka ka dhalan kara hirgelinta nidaamka dalka oo dhan lagu gaarsiinayo federaalka.

Kalfadhigan cusub, waxaan ku howl gali-doonaa anagoo kaashanayna  golaha shacabka shuruuc hagaysa nidaamka federalka iyo iyadoo wada hadal laga furidoono qodabada ugu waweyn ee federaleynta dalka isla markaana looga faa’idaysanayo waxyaabihii aan ka baranay dhaqangalintii koowaad iyo faa’idada ay dhaxleen wadamadi ayagu ku dhaqmay nidaamka federaalka.

(3). Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka: Dastuurka federaalka ee loo dhan yahay waa aasaaska dowladnimo ee dalkeenna Soomaaliya, markaad eegto wadamada qaatay, kuna dhaqmay nidaamka federaalka, waxaa ahmiyada koowaad la siiyey kala qeexidda awoodaha dowladeed ee dalka ka jira, qeybisga kheyraadka iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa, loona hirgalin lahaa nidaamka fadaraalka ee la qaatay, waxaa lagama maarmaan ah in arrimahaas laga yeesho wada xaajood dhab ah, si looga miro-dhaliyo eegista kala hufidda dastuurka haatan socda.

Sidoo kale dastuurku waxa uu tilmaamayaa arrimo faraban oo madmadow uu ku jiro iyo kuwo iska hor imaanaya, waxaana u baahanahay in si cad loo kala qeexo, loona saxo dastuurka fadaraalka, waa inuu ahaadaa mid si cad uga muuqato dhammaan waxa aasaasiga u ah dhisidda dowladnimada iyo hirgelinta arrimaha federaaka ee haatan dalku cagaha saaray.

Hadaba waxaan u aragnaa inaan afar arrimood looga maarmi karin nidaamka federaalka ah ee uu dalku qaatay:

(B). In la de-dejiyo dib u eegista dastuurka, laguna soo gabagabeeyo xiligii ay labada guddi soo jeediyeen dastuurka oo kala ah (1). gudiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka (2). gudiga madaxabanaan ee la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee ku hoolan dib e eegista dastuurka.

Waxaa qasab ah in lagu ixtiraamo guddiyadaas howlaha ay gacanta ku hayaan loona madax banneeyo howlaha loo igmaday, wasaaradda dastuurkana ay wadashaqeyn dhow la yeelato guddiyadaas ku howlan arrimaha dastuurka,  xukuumaduna ay u fududeyso waxyaabaha ay waajibaadkooda ku fushan lahayeen.

(T). In si degdeg ah loo dhiso golaha adeegga garsoorka oo aasaas u ah helitaanka garsoor hufan oo madaxbanaan una hogaansama sharciga oo kaliya

(J). Dhisidda adeegga garsoorka oo soo xulaya xubnaha garsoor hufan waxay shardi u yihiin aasaaska maxkamada dastuurigaa oo ayadu awood uleh inay fasiraadda qodobada dastuurka ku qoran go’aan ka gaaris iyo murannada iyo khilaafyada u dhaxeeya dowlada iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo murannada ka dhasha shuruucda dastuurka ku qoran.

(X). In shuruucda fadaraaleynta dalka laga wada shaqeeyo sidii loo dhameystiri lahaa ayadoo ay hurmuud ka noqonayaan xukuumada federaalka ah iyo baarlamaanka labadiisa aqal.

(4). Shuruucda hor tabinta u leh Qaranka: Dalkeennu wuxuu u baahanyahay shuruuc fara badan oo kala haga howlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda hadda xilka heysa iyo kuwa ka danbeyn-doona.

Waxaan ognahay muddo xileedka barlamaanku Federaalka labadiisa aqal  ay tahay mid kooban sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in xukuumaddu ka faa’iidaysato muddadaas kooban , ayna si isdaba jooga ah u soo gudbiso dhammaan shuruucda hortabinta u leh qaranka ayadoo si isu dheelitiran u hor dhigaysa laba aqal ee baarlamaanka fadaraalka ee Soomaliya

Aqalka sare asagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah wuxuu balan qaadayaa inuu si degdeg ah shuruucda horyaala uu uga howl galidoono iyadoo la siinayo mudnaanta ay kala leeyihiin, laguna dhameystirayo muddo kooban oo waafaqsan habraaca meel marinta shruucda dalka.

(5). Qorshaha kalfadhiga 4aad ee aqalka sare

Golaha aqalka sare waxa uu hiigsanayaa kalfadhiga 4aad inuu ka howl-galo arrimahaan soo socda

(1). Curinta shuruuc aasaasiya, oo aan looga maarmin karin hirgalinta nidaamka federalka.

(2). Fulinta gogal wada xaajood oo looga arin sanaayo arrimaha dastuurigaa iyo wada shaqeynta laba heer dowlad, xalna loogu raadinayo khilaafaadka soo noqnoqday ee u dhaxeeya labada heer dowladeed.

(3). Xoojinta matalaada xubinimada maamul gobaleedyada iyadoo markasta laga duulayo danta qaranka si waafaqsan qodabka 61aad tirsigiisu yahay 1 ilaa 3 ee dastuurka KMG ah.

(4). Dhameystirka habraaca meelmarinta hindisiyo sharciyeedyada  kheyraadka biyaha iyo hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuqmaasuqa oo ah labo sharci oo ay gacanta ku hayaan guddiyada ku shaqada leh

(5). Xoojinta korjoogteynta dowlada dhexe iyo dowlad gobaleedyada si loo suurta geliyo hirgalinta arimaha federaleynta.

(6). Dardargelinta howlaha korjoogteynta xukuumadda dhexe iyadoo iyadoo diiradda la saarayo wasaaradaha iyo xafiisyada ugu muhiimsan.

(7). Ka shaqeynta sidii loo heli lahaa wada shaqeyn dhab ah oo dhexmarta baarlamaanka federaalka iyo xukuumadda dhexe iyo aragti midaysan laga yeelanayo shuruucda hortabinta u leh qaranka.

(8). Guddoonka labada aqal ee federaalka ah ayaa isku raacay inay wada kulmaan labada gudi joogto, lana diyaariyo xeerhoosaad wada jir ah uu yeesho baarlamanka federaalka ah labadiisa aqal

Gunaanad, golaha aqalka sare ee fadaraalka ee Soomaliya, wuxuuu diyaar u yahay inuu kaalin mugleh ka qaato, ka miro dhalinta wada xaajoodyada la filayo inuu u dhaxeeyo labada heer maamul ee dowlad, isla markana waaxa uu u heelan yahay inuu meel mariyo shuruucda hortabinta uleh qaranka

Ugu dambeyntii,  waxaan guud ahaan shacabka Soomaliyeed meel waba uu joogo ugu baaqayaa midnimo iyo in khilaaf kasta oo jiro wada hadal lagu xaliyo,  isu tanaasulaan is faham iyo walaltinimo.

Goobjoog News