U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbaddii Ugu Horreysay Madaxweyne Farmaajo Oo Qoraal Ah, Isu Soo Baxyada Iyo Abaaraha Ayuu Ka Hadlay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha federaalka Soomaaliya ayaa xalay xilli dambe la hadlay shacabka Soomaaliyeed, khudbaddan ama war saxaafadeedka waa kii ugu horeeyay ee uu qabto tan iyo markii la dootay Febuary 8, 2017.

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa hadalka Farmaajo oo qoraal ah:

“Waxaa rabaa in aan u mahadceliyo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, runtii waxaa ay ku jiraan dabaaldeg ka soo bilaabatay guushii xalay la iigu doortay in aan madaxweynaha dalka Soomaaliya noqdo, guushaas oo aan aaminsahay in ay tahay guul ay iska leeyihiin shacabka Soomaaliyeed meel katsa oo ay jogaan, ee ay tahay guul ka bilaabatay Soomaaliya midnimadeeda, waa guul la dagaalameysa musuqa, waa guul ka shaqeyn doonta dowlad wanaag taas oo ku dhisan dowladda in ay noqoto dowlad aamin ah, cadaaladda ka shaqeysa, caawiso dadka saboolka ah”.

“Waad ku mahadsan tihiin dabaaldeggiina iyo meel kasta oo aad isugu soo baxdeen, in kasta oo la ii sheegey xoogaa dhibaato ah in ay dhacday, waxaa ay marayeysaa maalintii labaad, waxaan rabaa in aad u fahamtaan ololohii waa dhammaamady, waxaa hadda loo gudbahayaa xilli shaqo oo aan doonayo in dowladda iyo shacabka in ay wadas haqeeyaan, oo shacabka ay sii wadaan kalasoonida ay siiyeen dowladda, laakin dabbaaldeggii in uu dhammaadey oo la joojiyo wixii hadda ka dambeeya isu soo baxaan maxaa yeelay ololihii waa dhammaaday, waad guuleysateen, wixii aad rabteen waa hesheen, xildhibaannada sharafta leh, waa idiin maqleen, dareenkiina waa qaateen, weyna ku shaqeeyeen dariinkiina, maxaa yeelay waxaa ay doorteen cidda aad rabteen, waxa aan idiinka codsanayaa oo xilligan dambe aan u qabtey shirkan jaraa’id, walaalayaalow in aad joojisaan isu soo baxa oo jidadaka aad ka tagtaan oo guryihiinna aad ku noqotaan oo howlihiinna aad dib ugu noqotaan”

“Waxaan rabaa in aan ka hadlo arrimaha abaaraha oo aad ogtihiin in xoolihii iyo dadkii ay la’nayaan, shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibaddaba oo awoodi kara in ay ku tabarucaan walaalahooda baa’baya oo xoolahoodi iyo beerahooda ay ka baaba’een, waa in aan isu gurmanno, waa in aan isu naxariiso, inshaa-alaah waxaan rajeynaa khaasatan dadka qurbaha jooga in ay ku soo tabarucaan hey’adda gargaarka abaaraha oo ay culimadu isu xil-qaameen oo ay wadaan ololahaas ay ku aruurinayaan shaqaalaha si dadka oo walaalahooda ah oo dhibaateysan oo baab’asan ay wax ugu qabtaan”

“Ugu dambeytii, in aan tacsi u diro allae ha u naxariistee Gen. Cadde Muuse oo shalay ku geeriyooday magaalada Dubai, ilahay ha u naxariisto, caa’iladiisa sammar iyo iimaan ilahey haka siiyo, Habeen wanaagsan”.

Goobjoog News,