U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbadihii Jawaari, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Ee Xafladda Daah-furka Xisbiga Himilo Qaran

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacdey xafladda daah-furka xisbiga Himilo Qaran, waxaana ka soo qeyb galay xisbiyada siyaasadda iyo mas’uuliyiin ka socotay beesha caalamka.

Aden Madoobe oo horay u soo noqdey guddoomiyaha golaha shacabka kana tirsan golaha dhexe ee xisbiga Himilo Qaran

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan madaxda xisbiga Himilo Qaran oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xisbigan uu ku yimid baahida loo qabo xisbi siyaasadeed oo hano karo talada dalka, kana saari kara xaaladda lagu jiro.

Mudane Shariif ayaa soo qaatey in maanta qaranka u baahanyahay “Yac” “Shalay annaga oo joogna ayuu korkaanna ku dumay, waqti ayaa lagu baxshay, dad badan oo qaali ah ayaan ku weynay, abaalmarintooda waxaa waaye in aan qarannimada ilaalinno” ayuu intaa raaciyey.

Madaxweyne Shariif ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Arrin dhacdey ayaan rabaa in aan idiinkaga sheeko oo aniga iyo madaxweyne Xasan Sheekh na dhex martay waagii aan joogney Garoowe, xooga madaxweynaha waxaa lagu xaman jiray inuu rabo inuu dowladda dumiyo, war heedhe adiga waxaa la rabay in aad dowladda dhisto ee maxaa jira ii sheeg? Wuxuu dhahay Xashaa lilaah, cabbaar ayaa sheekeysaney, gacabtaan ka qabtey, madaxweyne Farmaajo ayaan u geeyey waxaan iri, madaxweyne ninkan wixii lagu xamanaayey been waaye, 2-badaada sano in aan dhameysato ayuu ogol yahay, laakin waxuu rabaa wuxuu qoonsadey in aad dhageysto? Wuxuu dhahay waa aqbaley, waa ballameen la isma arkin ilaa hadda”.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiyihii hore golaha shacabka ayaa hambalyeeyey xisbigan, isaga oo ku dheeraaday heerarkii axsaabtii siyaasadda laga soo bilaabo 1945-1969 oo 60 xisbi ay jireen iyo dhaqan  dimoqoraadi ah, 1969-1979 xisbi ma jirin, 1979 hal xisbi oo kacaanka ahaa ilaa 1990-2015 sidoo kale xisbi ma jirin ilaa laga ansixiyo xeerka xisbiyaga July 2015-kii.

Mr. Jawaari waxaa uu soo-jeediyey in axsaabta ay ku midoobaan aragti iyo ajende mideysan, waxaa kale uu ammaaney sida xilalka isugu wareejiyeen kaas oo ah dhaqan ay soo bilaabeen Aden Cabdulle iyo Cabdirashiid Sharma’arke, waxaa uuna ku dar-daarmay in la digtoonaado in asxaabta la takooro iyo in awoodaha dowladnimada ee 3-da ah ay hal gacan gasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xafladda xisbiga Himilo ayaa sheegay in dadka hoggaanka u haya ay waayo-aragnimo u leeyihiin dowladnimada.

Mudane Xasan Sheekh oo arrimo badan ka hadley waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Dowladdu waa iney ogolaataa, raalli ka noqotaa, fududeysaa, dhiirigelisaa, ilaalisaa siyaasiyiinta marka ay hadalayaan, dadka waa mucaarad iyo waa qaran dumis yaan lagu dhihin ee gurigaaga iska gal qofna ma dhahayo, dadku waa dadlayaan, waa isu tagayaan, sida ugu haboon ay isugu tagi lahaayeen haddii laga hor istaago xataa si aan habooneyn ayey isugu tagayaan, marka marna iney isu tagaan, lama celin karo, dowladda iyo hogaankeeda waxaan ku dhiirigelineynaa in saaxada siyaasadda in la furo, annaguna diyaar ayaan u nahay in aan ku taageerno wax kasta oo qaanuunka waafaqsan, oo dastuurka waafaqsan, oo dowladdu ay wado in aan ku taageerno, wax kasta oo dastuurka dhinac marsan, qanuunka dhinac marsan in aan diidno ayaan diyaar u nahay, isku darnaa xaajada, haddii dastuurka wax ka soo horjeedo maya dhaho, qaran dumis ma ahi, dowlad diid ma ahi”.

Goobjoog News