U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbadihii Ugu Xiisaha Badnaa Ee Abid Laga Jeediyo Jimciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa

Sheeko:Dalka

Khudbaddii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee uu talaadadii ka jeediyay Qaramada midoobey waxaa lagu tiray khudbadaha la xusuusan doono, waayo waxaa uu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin in uu ka taqalusi doono waqooyiga Kuuriya, in  ninka sawaariikhda uu ku guda-jiro waddadii uu ku haligi lagaa noloshiisa iyo maamulkiisa, Heshiiska Iran waxaa uu sheegay in ay ka bixi karaan, waxaa uu u dhaartay Venezuela, cuna-qabateynta ayuu sheegay in aanu ka qaadi-doonin dalka Cuba, waxaa uu intaa ku daray in Islaamka agigixisada ah aanu siin doonin fursad ay dalkiisa ku cabsi-geliyaan iyo ugu dambeyntii isaga oo sheegay in maslaxadda Mareykanka ay wax walbo ka horeeyaan.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Khudbadihii Ugu Xiisaha Badnaa Ee Abid Laga Jeediyo J.Q:

1960: Madaxweynihii Cuba Fidel Castro waxaa uu hadlayey 4 saac oo xiriir ah, waxaa uu sharaxay siyaasadda dalkiisa, isaga oo caayay Mareykanka illaa ay isaga baxeen kulanka labada murshax ee doorashada Mareykanka  F. Kennedy iyo Richard Nixon.

1960: Madaxweynihii midowga Soviet Nikita Khrushchev waxaa uu soo saaray kabihiisa isaga oo carooday waftigii Philippines-ka ee halkaasi joogay .

1974:  Yaasir Carafaad ayaa sheegay in Sahyuuniyadda ay wado cunsuriyad, Israa’il iyada ayaa ka faa’ideysatay arrinkaasi, oo waxaaba qaramada midoobey laga dhameeyay in qofkii sahyuuniyadda wax ka sheego uu yahay cunsuri.

1987: Madaxweynaha Nicaragua Daniel Ortega ayaa madaxweynaha Mareykanka Reagan  u sheegay in uu xasuusinayo in meeshan aan filim lagu jaleyn, “Rambo waxaa uu ka jiraa Filimaanta” ayuu intaasi raaciyay.

2006: Madaxweynaha Venezuela Hugo Rafael Chávez ayaa khudbadiisa ku sheegay in sheydaan uu masraxa ama goobta uga horeeyay isaga oo ula jeeday madaxweynihii Mareykanka G. Bush oo maalin ka hor hadlay.

 2008: Madaxweynaha Iran Axmedi Najaati waxaa uu sheegay in Mareykanka iyo reer Yurub ay hoggaaminayaan, oo weliba hantida iyo go’aanka ay gacanta ku hayaan dadka Sahyuuniyadda ah.

2009: Madaxweynihii Libya Mucamar Qadaafi ayaa jabiyay xeerka 15-ka daqiiqo ee madaxda la siiyo, waxaa uu hadlay wax ka badan hal saac iyo bar isaga oo golaha ammaanka ugu yeeray golaha argagaxa.

2015: Madaxweynaha Zimbabwe R. Mugabe waxaa uu kulanka ka sheegay “ Ma nihin Qaniisyo”, waxaa uu ka soo horjeeday ololaha reer galbeedka ee Afrika lagu cadaadinayo isu galmoodka dadka isku jinsiga ah.

Goobjoog News