U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbado Madaxweyne Deni, Geedi iyo Mas’uuliyiin Kale Uga Hadleen Maqaamka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shir sanadeed ay soo qabanqaabisay hey’adda SIDRA, loogna hadlayey arrimaha dib u heshiisiinta iyo dimoqoraadiyadda ayaa maalmahan waxaa ay ka socotaa magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Furitaan kulanka ee Axaddii waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni  iyo mas’uuliyiin kale  uu ku jiray ra’isul wasaarihii hore Cali Geedi iyo abwaanno.

Madaxweynha dowladda Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo khudbad ka jeediyey goobta ayaa ka hadlay qodobo xasaasiya oo ku soo noqnoqdey siyaasadda Soomaaliya ilaa iyo haddana aan wax xal ah laga gaarin.

Madaxweynha ayaa soo hadal qaaday maqaamka ay yeelaneyso caasimadda Muqdisho oo dooddeeda ay noqotay mid furan iyo wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo muddo aan wax xal iyo isku soo dhawaasho aan laga gaarin, madaxweynaha ayaana xusay in dowlad gobaleedka Puntland uu diyaar u yahay inuu dhigo gogol looga hadlo oo Soomaali u dhantahay magaalada Garoowe, waxaana uu yiri “ Waxaan rabaa inaan halkaan ka sheego in Puntland ay diyaar u tahay in ay martigeliso qodobada aadka looga doodo oo marwaliba soo noqnoqda oo la yiraahdo maqaamka Muqdisho in Garoowe looga hadlo ayaan soo dhaweynayaa, Muqdisho waa magaalo madaxdii Soomaaliya,  waa magaalada astaanta u ah qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeeda inuu dood aan dhamaaneyn uu ku jiro aad ayeey noo dhibeysaa, marka waxaan jeclaan laheyn dood furan oo cidi cid ka sheeganeyn Soomaalidu ayadoo miyir qabta intey isgu timaado, waliba Muqdisho laga soo fogeeyo in meel ka soo fog leysugu yimaado  oo si fiican loo dodo”.

Sidoo kale madaxweyne Deni oo hadalkiisa siiwo ayaa xusay in arrinta Soomaaliland ay tahay caqabad hortaagan dhameystirka dastuurka qaranka, waxaana uu yiri” Waxaan qabaa walaalaheena gobalada woqooyi jira in ay yimaadan Garoowe oo dooda ay ka qeyb galaan oo doodaha ay qabaan ay soo gudbistaan, inaan doodeena dhiibano oo dadka aan la hadalno kama baqeyno”

Sidoo kale Raiisal wasaarihii hore ee dalka mudane Cali Maxamed Geedi oo goobta ka hadlay ayaa xusay in dadka dadka Soomaaliyeed ayaga in ay wada tashtaan ay ku jirto maslaxadooda, waxaana uu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in ayagoo aan lagu dhex jirin iney wada hadlaan waxaana uu yiri” Waxaan aheen qaran sharaf leh oo Afrika ka tilmaaman, annaga ayaa gacmaheena ku burburinay, inaan dib u soo celino annaga ayey na su geysaa cid kale sugimeyso, beesha caalamka iyo dowlad hebel ayaa noo roon, dowlad hebel ayaa xun ma sugeyso, umadda Soomaaliyeed ayadu in ay is aqbasho ayaa laga rabaa,in ayadu is jeceshahay oo wadanioyiin Soomaali oo mawaadiniin yihiin in ay aqbalaan ayaa laga rabaa, haddaan taas wada aqbalno inaan xal gaari karno ayaa la hubaa”

Mudane Cali oo sii hadlayo ayaa shaaca ka qaaday in umadda Soomaaliyeed waxa kala geeyey oo cadaalad darridu ka mid tahay la doonayo in ay ka wada hadlaan oo ay heshiis dhab ah ka gaaraan xalkana uu ku jiro in dastuurka si dhab ah loogu dhaqmo, waxaana uu yiri” Maxaa umadda kala geeyey?  Musuqmaasuq, Cadaalad darro, Eex , Nin jecleysi, qof necbeysi, midab takoor, cuduradaas oo dhan waaye waxa umadda kala geeyey, side looga baxayaa, dhamaan dastuurka ay kuwada yaalaan ee in la fuliyo, waxaa jira Low and Order, Loowga boogta ayuu iskaga yaalaa oo Boor baa saaraan waxaa la rabaa in Hey’adda fulintu ay fuliyaan”.

Dhanka kale madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dowlad gobaleedka Puntland, Maxamed Cali Yuusuf  Gaagaab, oo wakiil uga ah Puntland dib-u-eegiska Dastuurka, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in umadda Soomaaliyeed 30 sano ka dib wali ayna gaarin wax heshiis ah, dagaallo sokeeyana weli ay dalka ka socdaan, waxaana uu yiri” waxa la heshiisiinayo Geedo iyo Dhagaxo maahan ee waa dad ayagiina wali banaanka ayeey kala joogaan oo heshiis maahan, ma inagaa liidana oo gaari weynay mise howsha ayaa dhib badan oo ah waxaan la gaari Karin, mise annaga miyaa aqoonteedii iyo tabarteedii laheyn, dib u heshiisiin Soomaaliyeed, dowlad gobaleed iyo mid dad weyne wali xaaladdooda madhawa, ilaa hadda waxaad arkeysaa beelo  Soomaaliyeed oo 30 sano ka dib dagaal sokeeye wali dagaalamayo waxa ay ku dagaalamayaan ay ogeyn”.

Goobjoog News