U bood dhigaalka

Akhriso: Kulanka Farmaajo iyo Uhuru oo Looga Hadlay Kiiska Muranka Badda

Sheeko:Amniga

Kulan goordhow soo dhamaaday oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in labada dal iska afgarteen arrinta badda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay in Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay sida uu uga rajo weyn yahay in kiiska badda ee maxkamadda yaalo lagu xaliyo qaab ay labada dhinac raali ka yihiin, oo aan saameyn xiriirka labada dal.

Isla kulanka waxaa la sheegay in la fududeynayo socodka oo diyaaradaha toos uga degi doonaan Joma Kenyatta, fiisayaadha diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha rayidkana lagu qaadan doono isla garoonka.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya inuu jiray kula qarsoodi ahaa oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay dhexmaray labada Madaxweyne iyaga oo isla meel dhigay qodobada maanta la sharciyey iyo qaar la qariyey. Xiriirka labada dal ayaa aad u xumaa tan iyo February ee sanadkan, taasi oo keentay In Nairobi qaado talaabooyin waali ah, waxaase muuqato in Kenya ay aragtay isbadal dhanka Soomaalida.

 

Goobj

Goobjoog News