U bood dhigaalka

Akhriso: Labo Arrin Oo Looga Hadlayo Kulanka Maanta Ee Xildhibaannada Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku leeyihiin xaruntooga magaalada Muqdisho.

Ajendaha maanta ee kulankan ayaa ah u codeynta wax ka bedalka sharciga hanti dhowraha guud ee qaranka iyo sidoo kale xeerka maamulka Bankiga dhexe ee dalka.

Kulankan maanta ayaa dib u dhacay Sabtidii aynu kasoo gudubnay kadib markii aanu buuxsamin kooramkii loo baahnaa.

Xildhibaannada golaha shacabka qaarkood ayaa sheegaya in kulanka maanta uu yahay mid aad u xasaasi ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News